Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo beeniyay go’aan ay shalay Beesha Xawaadle uga dhawaaqday Beledweyne.

Guddoomiyaha G.Hiiraan, LaqanyoMudane Cabdi Faarax Laqanyo oo ah Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, oo maanta la hadlay Warbaahinta Muqdisho ayaa beeniyay in go’aankii shalay ay beesha Xawaadle ku sheegtay inay kala laabtay kalsoonida dowladda Soomaaliya uu ahaa mid aysan beeshu u dhameyn. Continue reading

Madaxweyne Xasan Sheikh oo cadeeyay in dowladdu ay bulshada Jubooyinka u qabaneyso Shirweyne nabadeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.jpg5Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa si cad u sheegay in dowladdu ay Bulshada Jubooyinka u qaban doonto shir dib u heshiisiin ah, kaas oo qeyb ka ah go’aannadii dhawaan ka soo baxay shir Madaxeedkii urur goboleedka IGAD. Continue reading

Dowladda Maraykanka oo sheegtay in diyaarad looga soo riday dalka Soomaaliya.

pentagonSarkaal Sare oo ka tirsan hay’adda gaashaandhigga  Maraykanka ee magaceedu loo yaqaano PENTAGON ayaa sheegtay in diyaarad nooca ah kuwa aan duuliyaha laheyn oo ku soo dhacday Somalia in ay aheyd mid kamid ah diyaaradaha Maraykanka ee nooca basaaska ah ee maclumaadka ka soo uruurisa degaanada lagu tuhmaayo in ay ku sugan yihiin shaqsiyaad uu baadi goobayo Maraykanka. Continue reading

Dawlada Holand oo Markab dagaal u soo dirtay Biyaha dalka Soomaaliya.

Markab Ganacsi ah.jpg1Hay’adda Maraakiibta wadanka Masar ayaa sheegtay in marinka Kanalka Suweys uu ka gudbay markab dagaal oo laga leeyahay wadanka Holand kaasi oo ku soo jeeda wadanka Soomaaliya si uu ugu biro howgalka la dagalanka kooxaha Burcad badeeda Soomaaliya. Continue reading

Shir Madaxeedkii Midowga Africa oo lagu soo gebagebeeyay iyo Wafdigii Madaxweyne Xasan oo saaka dalka dib ugu soo laabtay .

Madaxweyne Xasan  Dib MuqdishoWaxaa magaalada Adis’ababa lagu soo gebagebeeyay Shir madaxeedkii wadamada Midowga Afrika, waxaana laga soo saaray go’aano waxtar u leh QaaraddaAfrika. Continue reading

Farriin digniin ah oo loo diray Xildhibaanada ku sugan Kismaayo iyo Wafdigii Xukuumadda oo wali ku xayiran Garoonka Kismaayo.

Wafdiga dowladda. KismaayoWaxaa lagu soo warramayaa in maalintii sedexaad ay wali ku xayiran garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo wafdi ka socday dowladda Soomaaliya oo ka koobnaa wasiirro iyo saraakiil ciidan oo ay dowladda u soo dirtay Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose. Continue reading

Wasiiro ka tirsan Dowladda federaalka oo ku xiran Garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo

Garoonka-KismaayoWasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo tiradooda gaaraysa ilaa Saddex, waxaana ka mid ahaa Wasiirka Gaashaandhigga DFS C/Xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi, Wasiirka Warfaafinta C/llaahi Xuseen Ciilmooge Xersi iyo Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka C/llaahi Abyan Nuur Continue reading

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si adag u dhaliilay howlgalka Ciidamada Kenya ee ku sugan Magaalada Kismaayo.

Madaxda Afrika 1Madaxweynaha DF Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa walaac ka muujiyay howlaha nabad ilaalineed ee ciidamada Kenya ay ku joogaan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, xilli ay dowladda Soomaaliya doonayso inay qabsato deegaannada kale ee ku yaalla gobolka Jubbada Hoose. Continue reading

Howlgalladii ay ka wadeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo saaka ka socda Xaafado ka tirsan Degmada Wadajir.

Booliska AmisomWar naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamada Booliiska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay saakay howlgallo baaritaanno ah ka wada xaafado ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, waxaana howlgalladaas ku qabqabtay dad fara badan. Continue reading

Warbixin:-Howlgallo ay Booliiska Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka sameeyeen Muqdisho.

HowlgalWarbixin laga soo saaray howlgallo ay sameeyeen Ciidamada Booliiska Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa nabadsugidda iyo booliiska AMISOM ayaa waxaa shalay lagu soo qabqabtay dad badan xaafadda Buulo-xuubeey ee degmada Wadajir. Continue reading

Wasiirrada warfaafinta iyo Gaashaandhigga Soomaaliya oo u boqoolay Kismaayo iyo Maamulka Axmed Madoobe oo Hanjabay

Wasiirka WarfaafintaWafdi ay hoggaaminayaan wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka Soomaaliya, C/kraiin Xuseen Guuleed iyo wasiirka gaashaandhigga, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa maanta u boqoolay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose; balse waxaa la sheegay in maamulka Axmed Madoobe  u hanjabay, Continue reading

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo Caddeeyey in dalkiisu uu ka Taageerayo Dowladda Soomaaliya dhismaha Maamullada Jubbooyinka

Madaxweynaha dalka Kenya,Madaxweynaha dalka Kenya, ayaa  magaalada Addis Ababa ka sheegay in dowladdiisu ay ka taageerayso dowladda Soomaaliya qoorshaha maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka, wuxuuna  sheegay in ciidamadiisa ku sugan Kismaayo ay qayb ka qaadan doonaan dib dajinta Soomaaliya. Continue reading

Madaxda Urur goboleedka IGAD oo isku raacay in Muqdisho lagu qabto shir loogu dhisayo Gobollada Jubbooyinka Maamul KMG ah

Shirkii_IGAD_1Madaxda dalalka ku bahoobay urur goboleedka IGAD oo shir socday illaa xalay ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa isku raaceen in dowladda Soomaaliya ay Muqdisho ku qabato shir maamul KMG ah loogu sameynayo gobollada Jubbooyinka. Continue reading

Muuqaalka Maanta ee Muqdisho iyo Hargeysa 2013.

HOOS KA DAAWO VIDEO-yada & SAWIRADA Continue reading

Urur Goboleedka Geeska Afrika (IGAD) oo manta Go’aano ka soo saaraya Xaaladda Muragsan Gobolada Jubooyinka.

Igad conferenceMadaxweynayaasha dalalka Bariga Afrika ee ku bahoobay ururka IGAD ayaa maanta ku kulansan yihiin Magaalada Adis Ababba e dalka Itoobiya, waxayna kulankooda uga wadahadli doonaan Mushkilada ka aloosan gobollada Jubbooyinka. Continue reading

Urur Goboleedka IGAD oo ku dhawaaqday in Dowladda Soomaaliya looga dambeeyo dhismaha Maamul u sameynta Gobollada Dalka.

igad_statementWarbixin uu soo saaray maanta Urur goboleedka IGAD ayaa lagu caddeeyey in dowladda Soomaaliya looga dambeeyo dhismaha maamul goboleedyada dalka iyo hirgelinta habka federaalka ah ee dalka uu ku dhaqmayo, iyadoo la raacayo dastuurka Soomaaliya. Continue reading

Canadian sisters on front lines of rebuilding Somalia.

elman_sistersTwo sisters from Ottawa are fighting gender violence and terrorism in Somalia. One is a military commander; one speaks out for women’s rights and supports victims of violence.

MOGADISHU, SOMALIA—The Elman sisters are bathed in the honey glow of Somalia’s late afternoon sun, the only sounds coming from an iPhone in a pink case that chirps continuously and the bursts of chatter from women upstairs. A sign in the corner of the office where they sit reads: “Real Men Don’t Rape.” Continue reading

Odayaasha dhaqanka oo soo dhaweeyeen baajinta Mowshinkii iyo Bannaanbax lagu taageerayo oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Odayaasha dhaqanka.jpg1Odayaasha dhaqanka magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay mushinkii ay kala laabteen baarlamanka xukuumadda iyagoona sheegay in ay ku faraxsan yihiin in baarlamanka ay tixgaliyaan codsiga shacabka. Continue reading

Magaalada Muqdisho oo maanta lagu qabtay Munaasabad lagu xusayo 50-sano guuradii Aasaaskii Ururka Midowga Afrika.

Sannad-guuradii-50-aad-ee-Midowga-AfrikaMagaalada Muqdisho ayaa maanta ka dhacday Munaasabad lagu xusayo sano guuradii 50aad ee ka soo wareegtay markii la Aasaaskii Ururka Midowga Afrika, iyadoo madaxda dowladda ugu sarreysa ay ka qayb galeen Xuska munaasabadaas. Continue reading

Xildhibaanada Baarlamaanka oo ka laabtay Mooshinkii, markalena la siiyay kalsoonida Xukuumadda Soomaaliya.

baarlamaanka1.jpg2Mooshinkii ay  Xildhibaannada baarlamaanka ka keeneen xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta dib uga laabteen Xildhibaanayaasha, sidaas waxaa fadhigii maanta ee baarlamaanka ka caddeeyey Guddoomiyaha baarlamaanka Somaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari). Continue reading

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ka doodaya Mooshinkii muran dhaliyay….!

Barlamaanka Cusub.jpg2Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa  inay maanta ka doodaan mooshin ka dhan ah  Xukuumadda Soomaaliya kaasoo dhawaan la horgeeyay baarlamaanka, inkastoo xubno ka mid ah kuwii saxiixay ay sheegeen inay ka la laabteen go’aankooda. Continue reading

Afhayeenka Ciidamada AMISOM oo sheegay in magaalada Muqdisho ay u geli doonaan guri guri si ay u baaraan.

Amisom Col_-XaamudAfhayeenka Taliska ciidamada AMISOM ayaa maanta ka warbixiyay howlgaladii ugu dameeyay,waxayna sheegay in magaalada Muqdisho ay u geli doonaan guri guri si ay uga baaraan dadka nabad.diidka ah ee ku dhuumaaleysanaya Xaafadaha. Continue reading

Bannaanbax looga horjeedo mooshinkii ka dhan ahaa Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Saacid oo maanta Muqdisha ka dhacay

Bannaanbax-MuqdishoWaxaa Saakay barqadii ay Boqolaal qof oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan Gobolka Banaadir oo isugu jira haween iyo caruur ayaa maanta isugu soo baxay fagaaraha ka soo horjeedka xarunta Golaha Shacbiga ee magaalada Muqdisho. Continue reading

Qaar ka mid ah Xildhibaannadii Mooshinka ka geeyay Xukuumadda Soomaaliya oo ka noqday Mooshinkaas

Barlamaanka soomaaliya1Qaar ka mid ah Xildhibaanadii  mooshinka ka geeyay xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay inay ka laabteen go’aankaas, iyagoo xusay inay u tanaasuleen danta dalka, dadka iyo diinta Islaamka oo ay u dhaarteen inay ilaalinayaan. Continue reading

Ciidamada Amniga Soomaaliya oo saakay howlgallo ka sameeyay qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

booliiska.jpg6Qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa saakay ka socday howlgallo balaaran oo ay ciidamada Amniga Soomaaliya ay  ku baaraayeen kooxo taageersan Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo la sheegay inay ku dhuumaalaysanaayaan Xafadahaasi. Continue reading

SIYAASIYIIN IYO JAALIYADDA BEESHA GAALJECEL OO SHIR WADA TASHI AH KU YEESHAY MAGAALADA LONDON.

IMG_0379Shirkii wada tashiga beesha ee dhacay maalin-nimadii shalay oo ay Taariikhdu ahayd 19-ka MAY, isla markaana ay ka soo qeyb galeen boqolaal qof oo ka tirsan qeybaha kala duwan beesha Gaaljecel, sida; (Siyaasiyiin, Odayaal, Haween, Aqoonyahanada iyo Dhalinyarada), ayaa Beeshu waxay kaga hadleen arimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen: HOOS KA DAAWO SAWIRADA SHIRKA Continue reading

Xildhibaannada Baarlamanka Soomaaliya oo Ansixiyey qodobo ay soo jeediyeen gudiga Maaliyadda Baarlamanaka.

Baarlamaanka-Cusub.jpg4Kulan ay maanta yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay ku ansixiyeen 15-qodob oo ay soo gudbiyeen guddiga maaliyadda baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo qayb ka ahaa in wasaaradda maaliyaddu ay soo gudbiso heshiisyadii ay la gashay shirkadaha shisheeye oo ay ku jirto shirkadda SKA oo ka howlgasha garoonka diyaaradaha Muqidsho. Continue reading

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo sheegtay in wasaaradu ay dadaal ugu jirto sii deynlahaa Soomaalida ku xirxiran xabsiyada Dalalka Caalamka.

Wasiirka Arr. Dibedda Somalia.jpg1Ra’isul-wasaare Kuxigeenka ahna wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Fowsio Yuusuf Xaaji Aadan ayaa warbaahinta u sheegtay in Dhawaan loo yeeri doona safaardaha ay Soomaaliya ku leedahay Caalamka, kadib Markii dhawaan dib u habeyn lagu sameeyay shaqaalihii hoose ee wasaarada uga howlgali jiray safaaradaha dibada kuwaas oo gudaha wadanka lagu soo xareeyay. Continue reading

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo Magaalada Khartoum kula kulmay Dhigiisa Dalka Sudan.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya1Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka gaashaandhiga Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaj Fiqi oo Habeenimadii Xalay ahayd Soo gaaray Magaalada Khartoum ee Caasimadda Dalka Sudan ayaa Maanta Barqanimadii la Kulmay Wasiirka Difaaca Dowladda Sudan Mudane C/raxmaan Xasan. Continue reading

Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Somaaliya oo maanta u ambabaxay dalka Qatar.

Wafdiga dowladdaWasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr. Maxamed Nuur Gacal iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ka kooban 6 xubnood ayaa maanta ka ambabaxay garoonka diyaaradaha Muqdisho , iyagoo ka qeyb-galaya kulanka 13aad Doha ( Doha Forum) oo loogaga doodi doono kacdoonada isbadalka dhaliyay ee wadamada carbeed. Continue reading

%d bloggers like this: