Madaxweyne Xasan Sheikh oo la sheegay in uu Maanta tegayo Magaalada Garoowe, kulanna la qaadan doono Madaxweynaha Maamulka Puntland.

download (1)War Saakey naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowladda federaalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo  oo maanta Axad ah ku wajahan magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, isagoo la kulmi doona madaxweynaha Maamulka Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole.

Hase yeeshee waxaa la ogeyn inta ay qaadan doonto Booqashadan, balse tani waxay noqonaysaa tii ugu horreysay oo madaxweynaha Somalia uu ku tago Puntland oo ka qayb ka ah maamullada taageersan dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa si dhab ah aan loo ogeyn waxyaabaha rasmiga ah ee ay wada hadli doonaan Madaxweynaha Soomaaliya iyo kan Puntland, ayaa haddana warar hoose waxay sheegayaan in waxyaabaha ay ka hadli doonaan labada mas’uul ay ka mid noqon doonto arrinta ku saabsan maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka oo dowladda dhexe ay kasoo horjeeddo; halka Puntland ay ka taageersan tahay.

Puntland ayaa waxay ka mid tahay maamullada ka jira Soomaaliya ee sida tooska ah u taageersan dowladda federaalka Soomaaliya inkastoo ay horay u sameysatay calan u gaar ah.

Sida la wada ogsoon yahay waxaa horraantii bishii hore booqasho ku tagay Puntland Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, taasoo qaadaday muddo saddex maalmood ah, wuxuuna halkaas Maamulka Puntland iyo dowladda dhexe Soomaaliya ku dhex maray heshiis iskaashi.

Dhanka kale waxaa Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntlnad ka socda diyaargarow lagu soo dhaweynayo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh iyo wafdiga uu hoggaaminayo oo ay ka mid noqonayaan wasiirrada muhiimka ee xukuumadda Soomaaliya ka tirsan.

Shalay ayay ahayd markii madaxweynaha Soomaaliya uu safar maalin ah ku tagay magaalada Mombasa ee dalka Kenya, halkaas oo kulan ku saabsan shirka London ee Soomaaliya loo qabanayo bisha soo socota kula yeeshay madaxweynaha Kenya, balse shirkaas laguma soo qaadin arrinta ku saabsan Jubbooyinka.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: