Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in sababta uu Garoowe u booqday ay tahay xasilinta Hirgelinta Federaalka.

Madaxweyne  Xasan garoweMadaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu horkacayo oo ka kooban wasiirro iyo xildhibaanno ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, iyagoo halkaas kula kulmay madaxda Puntland oo uu ugu horreeyo C/raxmaan Faroole.

Shir jaraa’id oo ay saxaafadda u qabteen kaddib markii ay kulan ku yeesheen madaxtooyada Puntland ee ku taalla Garoowe ayay ku faahfaahiyeen arrimihii badan oo kulankooda ay kusoo qaadeen iyadoo Faroole uu sheegay in Puntland ay diyaar u tahay inay qaybteeda ka qaado dhameystirka dhismaha dowladda Soomaaliya.

Soomaaliya waxaa la isugu keeni karo waa nidaamka federaalka oo la hir-geliyo; kaasoo qeexaya waxyaabaha la wadaagayo iyo waxyaabaha gaarka loo kala leeyahay,” ayuu yiri C/raxmaan Faroole.

Madaxweynaha Puntland wuxuu sidoo kale sheegay inay qayb weyn kasoo qaateen dhameystirka habkii KMG ahayd ee dowladihii Soomaaliya kusoo shaqeyn jireen, haddana ay diyaar u yihiiin inay kaalintooda ka qaatana sidii dalka looga hirgelin lahaa nidaamka federaalka.

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh oo isaguna shirkaas jaraa’id ka hadlay ayaa marka hore uga mahadceliyay madaxda Puntland sidii loogu soo dhaweeyay Garoowe, isagoo intaas ku daray in Puntland ay u ahayd hormuud dadaalladii looga baxay dowladlihii KMG ahaa.

”Wax badan ayaa ka dhiman hirgelinta habka federaalka, waddaduna waa mid qodxo badan oo dhibaato badan ay taallo, sida keliya ee looga gudbi karana waa iskaashi, kalsooni iyo in isku-samir la muujiyo,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay hirgelinta nidaamkan oo lagu soo doortay iyaga.

Isagoo ka hadlayay sida ay Soomaaliya ku midoobi karto ayuu yiri: ”Dalkaan waa mid, arrintu ma taagna ma kala go’naa iyo ma kala tagnaa balse, waxay taagan tahay sidee dadkii iyo dalkii aan isugu soo celinaa ayaa loo baahan yahay in lagu fikiro.”

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya, wuxuu Puntland ku tilmaamay mid tusaale u ah dowladda Soomaaliya, maadaama ay ku timid dhalatay go’aan kasoo baxay dadka u dhashay deegaanka oo aanay jirin cid dibadda uga timid.

SomaliSwiss        Garoowe

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: