Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda oo sheegtay inay ku guuleysatay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo caalamka.

Wasiirka Arr. Dibedda Somalia.jpg1Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa sheegtay in dhawaan ay Shacbiga Soomaaliyeed usoo bandhigi doonto qorshaha ay Wasaaraddu ku shaqeyneyso Afarta sano ee soo socota xilli ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ku guuleysatay hirgelinta qorshayaal gundhigoodu ahaa xoojinta xiriirka ay Soomaaliya la leedahay caalamka intiisa kale.

Marwa Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo la hadashay Warbaahinta ayaa ka warbixisay waxqabadka wasaarada iyo waxyaabaha u qorsheysan mustaqbalka dhow.

Wasiirada oo arrintaas ka hadleysay waxay tiri : ‘’Wax ka yar 5 Bilood ayaan fadhiyaa xafiiska wasaarada, waxaana gaarnay guulo aad u waaweyn oo ay ka mid ahaayeen cunaqabateyntii hubka oo la qaaday, dib u habeyntii qorshayaalka dalka lagu dejinayay oo aan ka qeybqaadanay, ka dhaadhicinta caalamka in Soomaaliya ay nabad dooneyso, in laga soo gudbay waqtigii adkaa, in safaaradihii dib looga shaqeysiiyay’’.

Marwa Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa intaa ku dartay iney caalamka ku qancisay iney safaaradahooda ka furtaan Soomaaliya ilaa iyo hadana in ka badan 22 safaaradood ayaa timid Soomaaliya iyadoo xustay in kalsooni badan ay u abuureen caalamka.

Wasiirka wasaarada arimaha dibada Marwa Fowsiya waxay intaa ku dartay ee ay tiri : ‘’Xiriirka dalalka jaarka ah waan wanaajinay waxaana heshiisyo la saxiixanay Ethiopia, Masar iyo Emaradka waxaana ku soo wareegnay wadamada gobolka, Bariga dhexe, Yurub ilaa America’’.

Ugu danbeyntii Wasiirka wasaarada arimaha dibada waxay hoosta ka xariiqday in mudadii koobneyd ay u qabsoomeen waxyaabo farabadan iyadoo rajo ka muujisay in barnaamijyada u qorsheysana ay u hirgelidoonaan sidii loogu talagalay.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: