Ra’iisul-wasaaraha Dowladda Ethiopia oo sheegay in Ciidamada Ethiopia ee ku sugan Soomaaliya ay kala soo baxayaan.

Ra'iisul wasaaraha ItoobiyaRa’iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa sheagay in ciidamada Ethiopia ee ku sugan qaybo ka mid ah dalka Soomaaliya ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugala soo bixi doono, wuxuuna sheegay inay daahsadeen in ciidamada AMSIOM iyo kuwa dowladda Soomaaiya ay la wareegaan deegaannada ay ciidamada Ethiopia ku sugan yihiin.

Sannadkii hore ayay xukuumadda Ethiopia sheegtay in ciidamadeedu ay sii joogi doonaan Soomaaliya tan iyo dowladda Soomaaliya xoogaysanayso, ciidamadeeduna ay ka awoodayaan inay iska difaacaan xogagga Al-shabaab oo dagaal kula jira.

Sida laga warqabo Bishii la soo dhaafayay ayaa ciidamada Ethiopia si lama filaan ah uga baxeen degmada Xudur ee gobolka Bakool oo ay muddo sannad ah ku sugnaayeen; halkaas oo ay dib u qabsatay Al-shabaab.

Ra’iisul wasaare Hailemariam Desalegn oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Dhowr jeer ayay ciidamada AMISOM naga dalbadeen inaan gaarsiino inta ay kala wareeayaan gacan ku haynta deegaannada aan ku sugannahay, balse dib u dhacyo ayaa ku yimid waxayna qaadatay sannad, marka innaga waan la baxaynaa ciidamadeenna”.

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu intaa uu raaciyey ee uu yiri: “Go’aankeennu waa inaan si buuxda ciidamadeenna ugala baxno Soomaaliya si ay u difaacaan xuduudaha dalkeenna; taasina waa midda keliya ee aan ku kalsoon nahay”.

Dhanka kale Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan ciidamada Midowga Afrika oo dowladda Soomaaliya ka caawiya dagaalka ay kula jirto Al-shabaab oo sannado isku dayaysay inay xukunka ka tuuraan dowladihii KMG ahaa ee dalka soo maray, waxaana ciidamadaas ka mid ah kuwo dalka Jabuuti ka socda oo ciidamada Ethiopia kala wareegay gacan ku haynta degmada Baladweye ee gobolka Hiiraan.

Hase yeeshee Ciidamada Ethiopia kama mid ah Ciidamada Nabad ilaalinta ee AMISOM, waxayna ku sugan yihiin gobollo badan oo ku yaala xuduudda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Ethiopia, waxaase Desalegn uu muujiyay walaalaha uu dalkiisu ka qabo dagaallada Al-shabaab ay weli ka waddo gudaha Soomaaliya.

SomaliSwiss   Adis ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: