Guddoomiyaha Baarlamaanka oo digniin siiyey xildhibaanada guddiyada kala duwan ee Golaha Baarlamaanka…

Guddoomiyaha barlamaanka.jpg1Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Jawaari ayaa digniin u diray xildhibaanada guddiyada kala duwan ee Golaha Baarlamaanka, wuxuuna Guddoomiye Jawaari sheegay in kulamada ay yeelanayaan guddiyada kala duwan ee Golaha baarlamaanka ay yihiin kulamada ugu muhiimsan ee Golaha uu yeesho mar walba.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay Golaha Baarlamaanka in kulamo dhowr ah ay u baaqdeen amaba ay dib ugu dhaceen kaddib markii ay ka soo imaan waayeen kulamada xildhibaanada guddiyada ah.

Sidoo kale Guddoomiyuhu wuxuu caddeeyey in Xildhibaankii ka tirsan guddiyada Baarlamaanka oo aan ka soo qeyb gelin kulamada joogtada ah inuu  lumin doono xilkiisa, wuxuuna Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari intaasi raaciyay in guddiyada kala duwan ee Baarlamaanka ay hayaan howl Qaranku u xilsaartay si ay ula xisaabtamaan Dowladda dhexe.

Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaa kaloo uu sheegay in tallaabo laga qaadi doono Xildhibaanno uu sheegay sidii loogu magacaabay guddiyada Baarlamaanka aanay imaanin kulamada ay yeelanayaan guddiyadaasi.

Balse Guddoomiyaha Baarlamaanka wuxuu caddeeyey in digniintan ay soo baxday, kaddib markii uu dib u dhac ku yimid kulan shalay ay yeelan lahaayeen qaar ka mid ah guddiyada Baarlamaanka, wuxuuna Guddoomiye Jawaari ka dhawaajiyay in Xildhibaankii soo xaadiri waaya kulamada ka dhacaya Golaha Baarlamaanka inuu muteysanayo ciqaab dhinaca sharciga la xariirta.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: