Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Shaaciyay in Nalalka la gelinayo Jidadka Muqdisho ay Qayb ka Qaadanayaan Sugidda Ammaanka.

TarsanMudane Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo ah Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, ayaa shaaciyay in nalalka ku shaqeeya cadceedda ee la gelinayo waddooyinka Muqdisho ay qayb weyn ka qaadanayaan sugidda amniga iyo horumarka ganacsiga xarunta Soomaaliya ee Muqdisho.

Sidoo kale Mudane Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa sheegay kaddib markii uu kasoo baxay shir looga hadlayay sidii lagu gelin lahaa nalalka cadeedda ku shaqeeya waddada 30-ka oo ka mid ah waddooyinka ugu waaweyn caasimadda Soomaaliya.

Mudane Tarsan oo arrintan ka hadlayey wuxuu yiri:“Nalalka ku shaqeeya kulka cadceedda ama qorraxda ee la gelinayo jidadka Muqdisho marka hore waa siyaasad lagu doonayo in gobolka lagu qurxiyo, marka xigtana waxay qayb weyn ka qaadanayaan sugidda ammaanka, koboca dhaqaalaha iyo kuwa miinoooyinka dhigaya ay ka cararaan maadama la arkayo”.

Guddoomiyuhu wuxuu intaas ku daray in shacabka Soomaaliyeed laga doonayo inay ilaashadaan nalalkaas oo uu ku sheegay inay yihiin hanti ay iyagu leeyihiin, isagoo sheegay in kuwa laga ilaalinayo aysan ahay oo keliya Al-shabaab, balse kuwa qash-qashaadaya ee doonaya in lacago lagu siiyo ay ka difaacdaan.

Dhanka kale Mudane Tarsan wuxuu Shacabka iyo maamulka degmooyinka Gobolka Banaadir ku guubaabiyey inay waajib ku tahay ee laga doonayaa inay deegaankooda ka difaacaan kuwa u cago-jugleynayo shaqaalaha, oo aan waxba fahmayn oo qori wata.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in qorshahooda uu yahay in nalalka qorraxda ku shaqeeya la geliyo jidadka Muqdisho oo dhan marka lasoo gabgabeeyo howsha jidka soddonka oo billaaban doonta dhawaan.

Somaliswiss     Muqdisho

Somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: