Wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka oo sheegay in Muqdisho ay ka howlgelayaan toddobaadkan ciidammo gaar ah.

Wasiirka-arimaha-gudahaWasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka, Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in toddobaadkan ay ka howlgelayaan Muqdisho ciidammo si gaar ah u tababaran oo loogu talogalay inay sugaan ammaanka Muqdisho.

Mudane C/kariin Xuseen Guuleed Wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka, ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid lagu adkenayo ammaanka guud ee caasimadda, mana uusan sheegin tirada ciidamada howlgalaya.

Wasiirku war uu siiyay warbaahinta Muqdisho wuxuu yiri: ā€Ciidamadan waxay isugu jiraan kuwo dalka gudihiisa lagu tababaray iyo kuwo dalka dibaddiisa kusoo tababaray, waana ciidammo ka duwan kuwii hore, waxayna howlgeli doonana toddobaadka soo socda.

Dhanka kale, wasiirku wuxuu shaaca ka qaaday in ciidamadan ay u dhameystiran yihiin qalabkooda, sidoo kalena ay roondooyin ku sameyn doonaan degmooyinka gobolka Banaadir, howshooda ugu badanna ay noqon doonto la dagalaanka waxa loogu yeeray argagaxisada.

Sidoo kale wasiirku oo ka hadlayey qaabka ay u howgelayaan Ciidamadan wuxuu yiri: ā€Waxaan sameynay 20 gaari oo ciidamadan ay ku howlgeli doonaan, kuwaas oo sameyn doona socod 24 saac ay ku dhexmarayaan gudaha caasimadda, waxaana sidoo kale aan sameynay lambarro laga soo xiriiri karo xarunta Oto-Oto si ciddii khatar aragta ay ula soo xiriirto”.

Sida la sheegay Magaalada Muqdisho ayaa ammaankeedu faraha ka sii baxayay bilooyinkii ugu dambeeyay, iyadoo dhowr jeer ay dowladdu isku dayday inay isbedel ka sameyso, balse weli waxaa muuqda inuusan jirin isbedel weyn oo dhinaca ammaanka ah.

SomaliSwissĀ Ā  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: