Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya iyo Wasiirro ka tirsan xukuumadiisa oo hortagay Golaha Baarlamaanka.

???????????????????????????????Ra’isal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wasiirrada ka mid ah Xukuumadiisa ayaa maanta hortagaya golaha Barlamaanka Soomaaliya halkaasoo su’aalo lagu weydiin doono.

Sida la sheegay Wasiirrada wehlinaya ra’iisul wasaaraha waxaa ka mid ah: wasiirka arrimaha gudaha, ganacsiga iyo warshadaha, khayraadka dalka, garsoorka, cadaaladda iyo arrimaha diinta iyo wasiir ku xigeenno ka socda wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta.

Arrinta ayaa la sheegay inay ka danbeysay, kadib markii ay Xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya ay soo gudbiyeen qoraal loogu yeerayo ra’iisul wasaaraha iyo xukuumaddiisa, si ay uga jawaabaan su’aalo badan ee la weydiinayo ammaanka iyo waxqabadka xukuumadda muddadii ay jirtay.

Guddoonka Barlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu horay ugu wargeliyay ra’iisul wasaare Saacid inuu baarlamaanka ku horyimaado 20-ka Abriil oo maanta ku beegan, iyadoo horay loogu yeeray wasiirka arrimaha gudaha balse ma uusan tegin.

Dhanka kale waxaa dhawaanadan ay Xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya ay  ka hadlayeen arrimo ay ka mid yihiin ammaanka, gaar ahaan dad lagala baxay xabsiyada Muqdisho oo la dilay maydadkoodana la dhigay waddooyinka Muqdisho.

Waa markii labad oo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo xukuumaddiisu ay hortagaan baarlamaanka tan iyo markii la dhisay xukuumadda dhammaadkii sannadkii hore, iyadoo guddoonka baarlamaanka ay arrintan ku tilmaameen mid xoojinaysa wadashaqeynta baarlamaanka iyo xukuumadda.

Su’aalaha la weydiinayo ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah wixii uu ka qabtay qorshayaashii uu sheegay inuu wax ka qabanayo markii xilka loosoo magacaabay, kuwaas oo ay ugu waaweyn yihiin, ammaanka, waxbarashada iyo horumarinta howlaha xukuumadda.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: