Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay gaaray magaalada Baxar-daar ee dalka Itoobiya, wuxuuna halkaas uga qaybgalayaa furitaanka shirka looga hadlayo ammaanka Qaaradda Afrika.
Sida lagu soo warramay Shirkan ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa amniga ee Qaaradda Afrika iyo sidii looga hortagi lahaa amni-daradda ka taagan Qaaradda, gaar ahaan dalalka ay colaaduhu ka jiraan weli oo ay ku jirto Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa lagu wadaa inuu qudbad ku saabsan arrimaha ammaanka Soomaaliya uu ka jeediyo shirka, kaasoo ay isugu iman doonaan madaxda dalalka Afrika iyo hay’adaha daneeyo amaanka.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinaya ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo wasiir-u-dowlaha madaxtooyada, Faarax Sheekh Cabdulqaadir.
Si kasta ha ahaatee Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in ammaanka uu muhiimadda koowaad kaga jiro tiirarka siyaasadeed ee ay dowladdu ku shaqeynayso, iyadoo madaxda dowladdu ay ballanqaadeen inay wax ka qaban doonaan amni-darrada ka jirta dalka, gaar ahaan Muqdisho.
SomaliSwiss  Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.