Dowladda Maraykanka oo tababaro dheeraad ah siin doonto Ciidamada Uganda ee ka howlgalaaya Soomaaliya.

Africa US Military UgandaWargayska ka soo baxa dalka Uganda ee lagu magacaabo New Vision ayaa Dowladda Maraykanka oo tababaro dheeraad ah siin doono Ciidamada Uganda ee ka howlgalaaya Soomaaliya.

Col. Moses Diba Sentongo oo ah sarkaal ka tirsan ciidamada meletariga dalka Uganda ayaa shaaciyey in ciidamada dowlada Uganda ay u baahan yihiin tababro dheeraad ah si ay kaga qeyb qaataan howlgalka ciidamadooda ay ka wadaan dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Col. Moses Ddiba Ssentongo ayaa sheegay in ciidamadaasi ay u baahan yihiin in tababar laga siiyo sida helitaan adeegyada aadanaha iyo tababar dheeraad ah oo lagu kobcinayo garaadka ciidamada Uganda ee jooga Soomaaliya.

Col. Moses Ddiba Ssentongo ayaa sheegay in Soomaaliya ay haatan ka jirin dagaal culus, wuxuuna sheegay in dadku u baahan yihiin nabadda , wuxuuna dalbaday in ciidamadooda la baro sida loo badbaadiyo shacabka iyo goobaha rayidku degan yahay.

Dhanka kale Tababarka la siinaayo ciidamada Uganda ayaa waxaa gacan weyn ka geysto saraakiil American ah, waxaana sidoo kale la sheegay inay maal geliso dowlada Maraykanka iyo wadamo kale oo African ah.

Si kasta ha ahaatee Col. Moses Ddiba Ssentongo, wuxuu ku celceliyey uuna sheegay in ay in ciidamada dowlada Uganda ee ku sugan dalka Soomaaliya u baahan yihiin inay qaataan tababaro ku aadan badbaada rayidka inta lagu gudo jiro howlgalada lagu baacsanaayo haraaga Al-Shabaab.

SomaliSwiss       Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: