Qaraxyo waaweyn oo ay ku waxyeeloobay dad badan oo ka dhacay magaalada Boston ee dalka Mareykanka.

BostonWaxaa Magaalada Boston ee Dalka Mareykanka ka dhacay Qaraxyo waaweyn oo ay ku dhinteen ugu yaraan saddex qof ilaa 151 qof oo kalena ay dhaawacmeen kuwaas oo ku waxyeeloobay laba qarax oo ka dhacay magaalada Boston ee gobolka Massachusetts ee dalka Mareykanka.

Boston.jpg1

Balse waxaa wali aan la ogeyn weerarradan cid ka dambeysa iyo cid sheegatay hase ahaatee waxaa weeraradan lala beegsaday dad badan oo daawanayay ciyaaraha orodka dheer ee maradoonka loo yaqaan oo ka socday magaaladaas, iyadoo booliiska Boston ay xireen dhammaan goobaha muhiimka ah.

Wararka naga soo gaaraya goobta qaraxa ka dhacay ayaa sheegaya in Xaaladda magaalada Boston ay kacsan tahay, waxaa la xiray waddooyinka muhiimka ah, dadkana waxaana dadku lagu wargeliyay inay guryahooda iyo hoteelladii ay deggenaayeen ay iska joogaan.

Sidoo kale waxaa wali ay booliisku sheegin cidda ka dambeysay weerarradan ama ay ku tuhmayaan ayaa haddana waxay sheegeen inay socdaan baaritaanno ay ku raadinayaan kooxihii ka dambeeyay, waxaana laga digay in cid gaar ah lagu eedeeyo inta baaritaannadu ay socdaan.

Boston.jpg2Balse Booliiska ka hortaga qaraxyada ayaa wuxuu ku dhawaaqay in goobaha  ganacsiga magaalada Boston aan la furin karin illaa berri, sababtoo ah waxaa magaalada ka jira jaho-wareer badan, iyadoo dadkii u daawasho tagay ciyaaraha ay weli qaarkood ku xayiran yihiin goobihii ay ka daawanacyeen ciyaaraha, kaddib markii ay waayeen meel ay maraan.

Dhanka kale Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama oo ka hadlay weerarradan ayaa ku tilmaamay kuwo laga naxo, balse wuxuu sheegay inay socdaan baaritaanno lagu raadinayo kooxihii ka dambeeyay, isagoo sheegay inaysan jirin cid ay ku eedeynayaan hadda.

Si kastaba ha ahaatee waxaa lagu soo warramayaa in dadkii ka qaybqaadanayay orod-yahannadii maaradoonka ay kala carareen markii ay dhaceen qaraxyada.

SomaliSwiss   Boston

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: