Wafdigii uu hoggaaminayey Madaxweyne Xasan Sheikh oo Saakay dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Itoobiya-.jpg1Wafdigii uu hoggaaminayey Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qaybgalay shirkii lagu wadahadalsiinayey Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ee ka dhacay magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa dib ugu soo laabtay saakay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxay isugu jireen wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda waxaana ka mid ahaa Wasiirada arrimaha gudaha iyo Gaashaandhigga ee dalka Soomaaliya.

Mudane  C/kariin Xuseen Guuleed oo si kooban uga hadlay shirka iyo qodobbadii kasoo baxay, wuxuuna sheegay in ay ku faraxsan yihiin in shirka uu sii socon doono, lagana soo saaray qodobbo wax ku ool ah.

Mudane Guuleed oohadalkiisa sii wato wuxuu sheegay in dhankooda ay ku faraxsan yihiin qodobbadii kasoo baxay shirka, wuxuuna yiri: “Shirka wuu sii soconayaa oo 90 maalmood kaddib ayaa la isugu tagayaan Turkiga, runtiina shirkan meel wanaagsan ayaa la keenay, waxaana rajo ka qabnaa in intaan la isaga soo dhawaan doono”.

Sidoo kale Mudane C/kariin Guuleed wuxuu caddeeyey in dhinaca dowladda Soomaaliya uu isaga u saxiixay heshiiska iskaashi ee ka koobnaa toddobada qodob, iyadoo dhinaca Maamulka Somaliland uu u saxiixay u qaybsanaha arrimaha dibadda, Maxamed Cabdullaahi Cumar.

Inkastoo heshiiska lasoo dhaweeyay haddana waxaa jira qodobbo ay dadku si aad ugu wareersan yihiin kuwaasoo ay ka mid yihiin tababarrada ciidamada iyo wadaagga dhaqaalaha dibadda laga helo.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo intii uu ku sugnaa Turkiga ka hadlay sida uu u arko heshiiska ayaa sheegay inuu yahay mid wanaagsan ayna intii hore isaga soo dhawaadeen dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland oo ku dhawaaqay gooni-isu-taaggiisa 20-sano ka hor.

Sida la wada ogsoon yahay Wadahadalladan ayaa waxaa gar-wadeen ka ahayd dowladda Turkiga, iyadoo madaxda Turkiga ay iyaguna muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin heshiiska hordhaca ah ee ay gaareen hoggaamiyeyaasha Soomaalida ayna intan isaga sii dhawaan karaan.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: