Shirka Wadamada ku bahoobay Ururka G8 oo ku baaqay in la taageero Soomaaliya.

G8Wasiirada arrimaha dibedda ee Wadamada lu bahoobay Ururka lagu magacaabo “G8“ ayaa ku baaqay in la taageero Soomaaliya waxayna soo dhoweeyeen horumarka muuqda ee ay dowladda Soomaaliya ka gaartay intii ay jirtay dhinaca siyaasadda, amaanka iyo xaalada bini’aadanimo.

Sida lagu sheegay War murtiyeed laga soo saaray gabagabadii shirka Wasiirada arrimaha dibada ee G8 ee shalay Kkamiista ahayd kusoo xermay magaalada Londan ayaa waxay ku baaqeen in la sii wado taageerada caalamiga ah ee la siinayo Dowladdda Soomaaliya, iyadoo sidoo kale taageereen howlgalka Midowga Afrika ee nabad ilaalinta, dalalka ciidanka geeyay, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo deeq bixiyeyaasha.

Sidoo kale Wasiirada G8 waxay isku raaceen in Soomaaliya la siiyo taageero siyaasadeed oo caalami ah, isla markaana dib loogu xero Soomaaliya bangigaga adduunka, bankiga horumarinta Afrika iyo Sanduuqa lacagta ee IMF.

Dhanka kale Wasiirada waxay xuseen, kuna celceliyeen in muhiimadda qorshe xal siyaasadeed oo cad in Soomaaliya loo helo taasoo ay ku jirto in la kala cadeeyo xiriirka maamulada dhexe iyo kuwa gobolada, si looga hortago kooxaha argagixisada, awoodoodana lagu wiiqo, iyadoo ay xuseen in kooxaha argagixisada ay caqabad ku yihiin danaha Somalia iyo kuwa caalamiga.

Waxaa kaloo War Murtiyeedka looga hadlay shirka bisha May 7deeda lagu qaban doono magaalada London ee dalka Britain, kaasoo ay sheegeen in ay Dowladda Somalia wax ka shir guddoomin doonto, ujeedadiisuna ay tahay in lagu taageero qorshooyinka ay Soomaalidu hoggaaminayaan ee dib loogu dhisayo ciidankii ammaanka, garsoorka, iyo hey’addaha dhaqaalaha.

Si kasta ha ahaatee Shirkan oo ay ka soo qeybgaleen Wasiiradda arrimaha dibada ee dalalka ku hor maray Warshadaha ayaa waxa uu diiradda lagu saaray in sidii Somalia loogu dhiiri gelin lahaa in hey’adaha caalaiga ee xagga dhaqaalaha, sida Bangiga Adduunka, Bangiga Horumarinta Afrika iyo Sanduuqa Lacagta Adduunka iyo International Monetary Fund) ay Sooaaliya ula macaamili lahaayeen si Soomaaliya u noqoto dal wax qabsada oo lagu taageero.

SomaliSwiss    London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: