Ra’iisal Wasaare SAACID oo manta la kulmay Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dalka Burundi.

R. SaacidRa’iisal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa kulan gaar ah maanta la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dalka Burundi Terence Sinunguruza, waxayna labada mas’uul ka wada hadleen iskaashiga labada wadan, gaar ahaana ammaanka iyo horumarka.

Labada Madax ayaa waxay Kulankooda uu ka dhacay xarunta madaxtooyada ee dalka Burundi waxaa kale oo ka qeybgalay Wasiirka Gaashaandhigga Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Faqi, safiirka Soomaaliya u fadhiya Burundi Abshir Xasan Abshir Faarax.

Ra’iisal Wasaare Saacid ayaa ugu horeyntii uga mahadceliyay soo dhoweynta diiran ee loo sameeyey, wuxuuna dhanka kale ku ammaanay dawladda Burundi inay tahay dawlad ugu deeqday dalka Soomaaliya ciidamadeeda, kuwaasoo dhiigooda u daadiyay la dagaalanka argagixisada Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaare Saacid oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Waxaan ku rajo weynahay inaan si dhaqso leh u hanano amniga iyo xasiloonida dalka oo dhan, si loo xaqiijiyo maamul wanaag iyo adeega bulshada”.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ka codsaday dawladda Burundi in ay sii laban laabto taageeradeeda ay siinayaan dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweyne kuxigeenka koowaad ee dalka Burundi Terence Sinunguruza ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay xaaladda soo hagaageysa ee dalka Soomaaliya iyo horumarka ay sameyneyso dawladda Soomaaliyeed. wuxuuna carabka ku adkeeyey in ciidankoodu ay sii joogi doonaan Soomaaliya inta laga xaqiijiyo nabadda.

Madaxweyne kuxigeenka Burundi oo isna ka hadlayey marxaladaha ay soo mareen labada Dal wuxuu Yiri: “Soomaaliya iyo Burundi waxay soo mareen marxaladdo adag oo dagaalo sokeeye ah, balse waxaan ku faraxsanahay soo kabashada aad sameyneysaan, dhankeena waxaan idiin balanqaadeynaa inaan sii wadi doono taageerada ciidan, tan iyo inta laga nabadeynayo Soomaaliya”.

SomaliSwiss   Bujanbura

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: