Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qaybgalay dabaal-degga sannadguuradii 53-aad ee ka soo wareegtay Aasaaskii ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Xuska CiidamadaMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inaysan joogsan doonin dib u habeynta lagu sameynayo ciidamada xoogga dalka, sidoo kalena ay sii socon doonaan dagaallada lagula jiro Al-shababa inta dalka oo dhan laga saarayo.

Xuska_Ciidanka1

Xasan Sheekh ayaa hadalkan ku sheegay khudbad uu maanta ka jeediyay dabaal-deg loo sameynayay sannadguuradii 53-aad ee kasoo wareegtay aasaaskii ciidanka xoogga dalka oo ku beegnayd maanta oo Jimco ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlayay xoojinta Ciidamada wuxuu yiri: “Muddada aan xilka hayo ee aan ahayn sida sharcigu qabo taliyaah guud ee ciidamada waxaan joogteynayaa dib u habeynta ciidamada, meesha aan maanta joogno ma ahan halkii aan ku ekaan lahayn balse waa sii socon doonnaan“.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu ammaanay ciidamada xoogga dalka isagoo sheegay in guulo waaweyn ay ka gaareen dagaalladii ay la galeen Al-shabaab; balse looga baahan yahay in howsha ay halkaas kasii wadaan tan iyo inta dalka oo dhan uu noqonayo ammaan uu qof walba miishii uu ku tagayo nabadgalyo.

Madaxweynuhu oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Waan inaan caddeynaa howsha aan leennahay waa inaan difaacno dalkeenna, dadkeenna iyo diinteenna. Looma dulqaadanayo in askariga ka tirsan ciidamada qalabka sida uu sharciga jabiyo. Waxaad khatarta u gelisay naftaada waa dalkan, sidaa daraadeed waa waa inaad difaacdaa sharaftiisa.”

Dhanka kale, wuxuu ka hadlay dagaalka lagula jiro Al-shabaab oo uu ku sheegay inay tahay koox aan nabad doonayn, isagoo xusay in dagaalka ay kula jiraan uu sii socon doono inta dalka oo dhan laga sifeynayo.

Madaxweynaha oo ka hadlayey argagixisada wuxuu Yiri: “Joogtaynta la dagaalanka argaagaxisa waa mid sii soconaysa inta dalka laga waayayo argagaxiso iyo cid fowdo sameynaysa, illaa laga gaaro heer dadka oo dhan ay shacabka ku hoos noolaadaan ma joogsanayo dagaalka”.

Si kasta ha ahaatee, Madaxweynuhu wuxuu ammaan iyo bogaadin u jeediyay ciidamada AMISOM ee ka socda shan dal oo Afrika ka mid ah iyo kuwa Itoobiya oo uu sheegay inay dalka u joogaan sidii ay ula dagaalami lahaayeen Al-shabaab oo uu sheegay inay tahay koox argagxiso ah, isagoo xusay inay dadaalkaas abaal weyn uga hayaan.

Hase yeeshee munaasabadda loogu dabaal-degayay maalinta ciidanka xoogga Soomaaliyeed ee 12-ka Abriil ayaa ka dhacday wasaaradda gaashaandhigga iyadoo la xiray inta badan jidadka Muqdisho iyo kuwa soo gala, waxaana la dhigay ciidammo fara badan oo ammaanka suga inta xafladdu socotay.

SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: