Ra’isal wasaaraha dalka Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon oo booqasho ku malayey wadamada gees Afrika ayaa waxaa maalintii labaad uu ku sugan dalka Uganda, wuxuuna kulammo la yeeshay Madaxweyne Yoweri Museveni iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee Uganda ku nool.
Kulanka labada mas’uul wuxuu ka dhacay madaxtooyada Uganda. WAXAANA KULAMKAAS looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga labada waddan, iyadoo diiradda lagu saaray sugida amniga iyo xasilinta Soomaaliya, waxaana ra’iisulwasaare Saacid uu uga warbixiyay madaxweynaha Uganda guulihii ammaanka ee uu dalku gaaray.
Ra’iisal wasaaraha oo ka hadlayay Argagaxisadu wuxuu yiri: “Argagaxisadu Soomaalya oo keliya khatar kuma ahan balse gobolka iyo dunida oo dhan ayay khatar ku yihiin. Maadaama Soomaaliya laga qaaday cunnoqabateyntii hubka; waxaan ku dadaalaynaa inaan ciidamadeenna qalabeyno oo aan tayeyno si ay ula wareegaan ammaanka dalka oo dhan, balse weli ma gaarin heer aan kaga maaranno ciidammada AMISOM.”
Sidoo kale Madaxweynaha Uganda oo isaguna goobta ka hadlay ayaa uga mahadceliyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa booqashada ay ku imaadeen dalka Uganda, isagoo sheegay in dowladdiisu ay garab-taagan tahay Dowladda Soomaaliya tan iyo inta ay ciidamada xoogga Soomaaliyeed si buuxda ula wareegayaan ammaanka guud ee dalka.
Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha Somalia wuxuu xalay kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Uganda, isagoo ku boorriyay inay ka qayb qaatana dib u dhiska dalka Soomaaliya.
Ra’iisal wasaaruhu wuxuu warbixin dheer ka siiyay jaaliyadda dadaallada dowladda ee ku aaddan xasilinta iyo nabad kusoo celinta dalka, wuxuuna si gaar ah uga warbixiyay safarradii uu ku tagay gobollada dhexe iyo kuwa kuufureed, isagoo xusay in xukuumaddu ay muhiimadda koowaad siisay dhegeysiga talada shacabka.
Ra’iisul wasaare saacid oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri:“Runtii dadka Soomaaliyeed iyaga ayaa gacantooda ku burburiyay dalkooda, iyagaana laga doonayaa inay gacantooda ku dhistaan mar kale,” wuxuuna ka dalbaday dadka Soomaaliyeed ee ku nool dibadda dalka ay dib ugu laabtaan Soomaaliya si ay qayb uga qaataan dib u dhiska dalka.
Gabagabadii Ra’iisul wasaaraha ayaa u mahadceliyay dadkii soo qaban-qaabiyay xafladda uu kula kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed, gaar ahaana howl-wadeenada safaaradda Soomaaliyeed ee Uganda.
SomaliSwiss Kampala
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.