Magaalada Muqdisho oo saakay Ciidamada Dowladda xireen Wadooyinka waaweyn.

CIidamada taraafikoSaakey Aroornimadii hore waxaa dadka magaalada Muqdisho ku soo tooseen iyadoo wadooyinka Muqdisho intooda badan ay xiran yihiin, islamarkaana aysan isticmaali karin gaadiidka nooc kasta oo uu ahaado aan ka ahayn gawaarida Ciidamada Dowladda. Continue reading

Ciidamada Xarakada Al-Shabaab oo maanta dhoolatus ka sameeyey deegaanno ka tirsan gobolka Sh/hoose

Al-Shabaab army.jpg1Ciidamo ka tirsan xarakada Al-Shabaab ayaa tababar loogu soo xiray deegaano ka tirsan Gobolka Sh/Hoose, waxaana tababarkaasi  bixinaayey  saraakiil ka rirsan Al-Shabaab,sidoo kale  tababarkaasi wuxuu ka soconaayay deegaano ku yaala duleedka degmada Baraawe oo ka tirsan gobolka Sh/hoose. Continue reading

Wakaaladda wararka AP oo warbixin ka soo saartay Macluushii ka dhacday dalka Soomaaliya Sanadkii 2011ka ….

Macluul.png1Abaartii ku dhufatay dalka Soomaaliya Sanadkii 2011ka ayaa la sheegay inay ku dhinteen dad gaaraya 260,000 oo qof oo u badan caruur  da‘doodu ka hoosayso shan sano iyo haween u badan. Continue reading

Wasiirka arimaha dibada Ethiopia oo kulamo kula qaatay magaalada New York kaaliyaha xog-hayaha guud ee QM ee arimaha siyaasada Jeffrey Feltman.

Tedros-Adhanom-Ghebreyesus3Mr. Tedros Adhanom oo ah  Wasiirka arimaha dibada dalka Ethiopia ayaa kulamo kula qaatay magaalada Newyork kaaliyaha xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay ee arimaha siyaasada Jeffrey Feltman, waxayna ka wada hadleen xaaladda siyaasadeed iyo amaan ee dalka Soomaaliya . Continue reading

Madaxweynaha Soomaaliya oo Xalay casho sharaf loogu sameeyay magaalada Garoowe.

Madaxweyne Xasan garoweMadaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgalay casho sharaf Xalay loogu sameeyay Madaxtooyada Garoowe ee Puntland. Continue reading

Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Wafdi uu Hogaaminayey Oo Gaaray Magaalada Istanbul Ee Dalka Turkiga.

Jawaari TurkiyaGudoomiyaha Baarlamaanka  Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Iyo Wafdi uu hogaaminayey ayaa gaaray magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, waxayna wafdiu caawa u gudbi doonaan magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga. Continue reading

Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in sababta uu Garoowe u booqday ay tahay xasilinta Hirgelinta Federaalka.

Madaxweyne  Xasan garoweMadaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu horkacayo oo ka kooban wasiirro iyo xildhibaanno ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, iyagoo halkaas kula kulmay madaxda Puntland oo uu ugu horreeyo C/raxmaan Faroole.

Continue reading

Madaxweyne Xasan Sheikh oo la sheegay in uu Maanta tegayo Magaalada Garoowe, kulanna la qaadan doono Madaxweynaha Maamulka Puntland.

download (1)War Saakey naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowladda federaalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo  oo maanta Axad ah ku wajahan magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, isagoo la kulmi doona madaxweynaha Maamulka Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole. Continue reading

Madaxweynaha Somalia oo Maanta kula kulmay Dhiggiisa Kenya Magaalada Mombasa.

Madaxweyne Xassan-Kenya1Madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safar kooban oo shaqo ku tagay magaalada Mombasa ee dalka Kenya; halkaasoo uu kula kulmay Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta. Continue reading

Hay’adda UNHCR oo sheegtay in sanadkaan ay yimaadeen dalka Yemen inka badan 30- kun oo tahriibayaal Soomali ah

UNHCRHay’adda Q,M u qaabilsdan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa warbixin ay soo saartay lagu  sheegtay in sanadkaan ay yimaadeen dalka Yemen inka badan 30- kun oo tahriibayaal Soomali ah, kadib markii ay ka soo gudbeen biyaha u dhaxeeya Soomaaliya iyo Yemen. Continue reading

Waaxda arrimaha dibbadda Maraykanka oo si cad ugu sheegtay Somaliland in Mareykanku uu taageerayo Midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

Wendy_ShermanWaaxda arrimaha dibbadda Maraykanka ayaa waxaa kasoo baxay War saxaafadeedka lagu sheegay in dawlada Maraykanka ay taageerayso midnimada Soomaaliya iyo sii socoshada wada hadalada u dhaxeeya madaxda dawlada Soomaaliya iyo Somaliland. Continue reading

Wafdi uu Hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya oo saakay aroortii hore u Amabaxayay Magaalada Mombassa ee dalka Kenya

Somali President KenyaWafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa saakay u amabaxay dalka Kenya, halkaas oo la sheegay in magaalada Mombassa uu kula kulmi doono Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta. Continue reading

Abu Mansuur Al-Amriki oo ka badbaaday fal dil ah.

Abu Mansuur Al-Amriki-War Qoraal iyo sawiro isugu jira ee uu soo dhigay barta uu sida weyn u adeegsado Abu Mansuur Al-Amriki ee Twitter-ka ayaa waxaa uu ku sheegay inuu ka badbaaday isku day lagu  doonayay in lagu dil. Sidoo kale Abu Mansuur ayaa waxaa uu sheegay in koox hubeysan ay damceen inay dilaan hase ahaatee uu ka bad baaday wuxuuna caddeeyey inuu dhaawacmay. Continue reading

Dowladda Ingriiska oo shalay ka Furatay magaalada Muqdisho safaaradeeda.

Safaaradd IngiriiskaWaxaa shalay caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho dib looga furay safaaradda Ingriiska, kadib markii ay xirneyd muddo ka badan 22-sano. Continue reading

Ra’isal wasaaraha Somaliya iyo Xoghayaha A/Dibadda Britain oo ku kulmay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

william-hagueRa’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa maanta magaalda Muqdisho ku qaabilay xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain, William Hague, waxayna kawada hadlay horumarka cusub ee Soomaaliya iyo doorka muhiimka ah ee dawladda UK ku leedahay arrimaha Soomaaliya. Continue reading

Col. Barre Hiiraale oo gaaray Magaalada Kismaayo iyo Xiisad ka tagaan magaalada Kismaayo.

Col-Barre-HiiraaleWar aan ka helnay Wakiilka SomaliSwiss ee Gobollada Jubbooyinka ayaa sheegaya in magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose uu xalay gaaray Col. Barre Aadan Shire (Hiiraale), kadibna halkaas laga dareemay xiisad  iyo saansaan colaadeed. Continue reading

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo digniin siiyey xildhibaanada guddiyada kala duwan ee Golaha Baarlamaanka…

Guddoomiyaha barlamaanka.jpg1Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Jawaari ayaa digniin u diray xildhibaanada guddiyada kala duwan ee Golaha Baarlamaanka, wuxuuna Guddoomiye Jawaari sheegay in kulamada ay yeelanayaan guddiyada kala duwan ee Golaha baarlamaanka ay yihiin kulamada ugu muhiimsan ee Golaha uu yeesho mar walba. Continue reading

Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda oo sheegtay inay ku guuleysatay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo caalamka.

Wasiirka Arr. Dibedda Somalia.jpg1Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa sheegtay in dhawaan ay Shacbiga Soomaaliyeed usoo bandhigi doonto qorshaha ay Wasaaraddu ku shaqeyneyso Afarta sano ee soo socota xilli ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ku guuleysatay hirgelinta qorshayaal gundhigoodu ahaa xoojinta xiriirka ay Soomaaliya la leedahay caalamka intiisa kale. Continue reading

Ra’iisul-wasaaraha Dowladda Ethiopia oo sheegay in Ciidamada Ethiopia ee ku sugan Soomaaliya ay kala soo baxayaan.

Ra'iisul wasaaraha ItoobiyaRa’iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa sheagay in ciidamada Ethiopia ee ku sugan qaybo ka mid ah dalka Soomaaliya ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugala soo bixi doono, wuxuuna sheegay inay daahsadeen in ciidamada AMSIOM iyo kuwa dowladda Soomaaiya ay la wareegaan deegaannada ay ciidamada Ethiopia ku sugan yihiin. Continue reading

Ciidamo isugu jira kuwa Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo maanta Baaritaanno Cir iyo Dhul ah ka wada Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir.

Ciidamada Dowladda.jpg1Wararka naga soo gaaraya Caasimada dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo isgarabsanaya ayaa saakay howgallo baaritaanno ah si wadajir ah uga wada xaafadda Xamar-jadiid ee degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir, xaafadaha degmoyinkaas oo la sheegay inay ku dhuumanayaan xubno ka tirsan Al-shabaab ay ku leeyihiin Xarumo lagu farsameeyo walxaha qarxa. Continue reading

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka codsaday wadamada Afrika in laga taageero ka gudubka caqabadaha hortaagan Nabadda Soomaaliya.

Madaxweyne XasanMadaxweyne, Xasan Sheekh ayaa ka codsaday madaxda Wadamada Afrika in Soomaaliya ay  ka caawiyaan dagaalka uu kula jiro Burcad Badeedda, argagaxisida iyo dhibaatooyin kale oo caqabad ku ah in Soomaaliya ay deggenaasha hesho. Continue reading

WARGELIN:- Caasumad lagu Soo Dhaweeynayo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir.

Tarsan.jpg2Waxaa lagu wargelinayaa dhammaan Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalkan Switzerland inuu imaan doona Dalkan Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Mudane Mohamud Ahmed Nur ( Tarsan). Continue reading

Baarlamaanka Somalia oo Maanta Su’aalo Weydiiyay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Barlamaanka Cusub.jpg2Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta su’aalo weydiiyay wasiirka gaashaandhigga Somalia, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyadoo kulanka maanta uu shir-guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari). Continue reading

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Shaaciyay in Nalalka la gelinayo Jidadka Muqdisho ay Qayb ka Qaadanayaan Sugidda Ammaanka.

TarsanMudane Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo ah Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, ayaa shaaciyay in nalalka ku shaqeeya cadceedda ee la gelinayo waddooyinka Muqdisho ay qayb weyn ka qaadanayaan sugidda amniga iyo horumarka ganacsiga xarunta Soomaaliya ee Muqdisho. Continue reading

MUSALSAL CUSUB XAASKA AFARAAD QEYBAHA 3-4-aad.

MUSALSAL QEYBTA 3-4-AAD

HOOS KA DAAWO VIDEO-GA QEYBTAHA 3-4-AAD Continue reading

Shirkii madaxda wadamada Afrika uga socday dalka Ethiopia oo maanta la soo gebagebeeyey.

Madaxweyne Xasan Shirka AfrikaShirkii madaxda wadmada Africa uga socday dalka Ethiopia loogana hadlayay Arrimo ay ka mid yihiin argagixisada iyo burbad badeeda ayaa lagu wadaa in Maanta la soo gebagebeeynayo. Continue reading

Xarunta Warshada Isbuunyada Mubaarak ee Muqdisho oo xalay dab ka kacay uu geystay qasaare maaliyadeed.

Dab qabsaday...Waxaa xalay Dab ka kacay dhismaha xarunta Warshada Isbuuryada Mubaarak oo ku taala degmada Heliwaa ee G/Banaadir, dabkaas oo geystay qasaare maaliyadeed. Lama soo sheegin  cid wax ku noqotay dabkaasi, laakin sida lagu soo warramay dabku wuxuu baaba’ay hanti iyo qalabkii warshada. Continue reading

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka oo maanta Mudanayaasha Baarlamanka ay su’aalo weydiin doonaan.

wasiirka gudahaMudane C/kariin Xiseen Guuleed oo ah Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa saaka hortagoyo mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya si uu uga jawaabo su’aalo ku saabsan Waxqabadka wasaaradiisa, taas oo ay mudanaashu Codsadeen goor hore inuu horyimaado Golaha barlamaanka. Continue reading

Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya iyo Wasiirro ka tirsan xukuumadiisa oo hortagay Golaha Baarlamaanka.

???????????????????????????????Ra’isal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wasiirrada ka mid ah Xukuumadiisa ayaa maanta hortagaya golaha Barlamaanka Soomaaliya halkaasoo su’aalo lagu weydiin doono. Continue reading

Wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka oo sheegay in Muqdisho ay ka howlgelayaan toddobaadkan ciidammo gaar ah.

Wasiirka-arimaha-gudahaWasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka, Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in toddobaadkan ay ka howlgelayaan Muqdisho ciidammo si gaar ah u tababaran oo loogu talogalay inay sugaan ammaanka Muqdisho. Continue reading

%d bloggers like this: