Wariye Cabdicasiis Koronto iyo Hooyo Luul oo Beri mar kale Dacwdooda ka Bilaaban doonto Maxakamada Racfaanka.

4Waxaa maanta Xarunta Soscensa ee Magaalada Muqdisho ka dhacay Kulan ay isugu yimaadeen Qaybaha kala Duwan ee Warbaahinta waxaana Kulankaasi Shir Gudoominayey Gudoomiye ku Xigeenka Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Suleymaan Shiikh Ismaaciil (Barasatamol) waxaana Kulankaan looga arrinsanyey sidii Qaybaha kala duwan ee  Warbaahinta ay u soo Xulan lahaayeen Shan Xubnood oo ka soo Baaraandega Xeerka Saxaafadda ee Dhawaan Dowlada u qaybisey Qaybaha Warbaahinta,waxaana Shanta Xubnood loo  kala qaatey Idaacadaha Hal Xubin, Wargeysyada Hal Xubin, Web –Site Hal Xubin, Talefishin Hal Xubin iyo Nusoj Xubin. HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Dood ku saabsan qaabka ay Warbaahinta qaybahooda kala Duwan u soo Magacaaban lahaayeen Shantaas Xubnood ayaa Aakhiritaankii waxaa Qolo Waliba ay soo Gudbiyeen Xubintii ay lahaayeen waxaana Idaacadaha ay soo Xusheen Aweys Xaaji Nuur  oo ka socda Idaacada Mustaqabal , Wargeysyada waxay u soo Xusheen Maxamed Axmed Siyaad ( Black) Dhinaca Web-Site-yada waxay soo Xusheen Amiin Yuusuf Khasaaro, Ururka Suxufiyiinta Qaranka ee Nusoj  waxay soo Xusheen Cabdiraxmaan Xasan Cumar Hase yeeshee waxaa weli Liiskooda soo Gudbin Qaybta Talefishinada oo la filyo in ay soo Gudbiyaan Maalinta Arbacada haddii Eebbe Idmo.

Shanta Xubnood ee laga soo Xuley Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta ayaa waxaa ku Biiraya Laba Qareen kuwasoo Xubnahaani la eegi doono Qodobada ku jira Xeerka Saxaafada maadaama waxa laga hadlayo ay yihiin Sharci ama Xeer, dhamaan Xubnahaani isugu jira Qaybaha Warbaahinta iyo Qareenada ayaa la filayaan in Xitaa ay gaarsiiyaan Qaybaha kale ee Warbaahinta ee ka dhisan Gobolada Dalka si ay Xeerkaan iyana wax ugu daraan , waxna uga dhimaan.

Gabagabadii Kulankaasi waxaa soo Xirey Madaxa Howl Fulinta ee Hayada Soscensa Xasan Axmed Sadiio oo iyadu dhigtey Gogosha ay isugu yimaadeen Qaybaha kala duwan ee Saxaafadda waxaana uu sheegey in Hayadooda ay Saxaafada kala Shaqeyn doonaan sidii uu u taaba geli lahaa Xeer ay ku wada Qanacsan yihiin  dhamaan Qaybaha kala Duwan ee Saxaafada ee Dalka Gudihiisa iyo dibadiisa , wuxuu kula Dardaarmey Guddiga la magaacbey in ay si Taxader leh isaga eegaan Xeeraka Saxaafada oo weliba qododbada qaar Noqon kara La Jiifiyaana Banaan , La Joojiyaana Banaan.

Dhinaca kale waxaa Beri oo Arbaco ah Hadii Eebbe Idmo Maxakamada Racfaanka ee Gobolka banaadir  ay ka Bilaaban doonto  Dhageysiga Maxkamada ee  Wariye Cabdicasiis Koronta iyo Hooyo Luul Cali Cismaan ka dib markii dhawaan Maxkamada Gobolka Banaadir ay ku Xukuntey Min Hal Sanno oo Xarig ah hase yeeshee waxaa Racfaan ka qaatey Xukunkaas Qareenada u doodaya Labadaas Xubnood , waxaana 20 kii Bishaan dacwaasi dhageystey Gudoomiyha Maxkamada Racfaan oo isaga ka aruuriyey wixii Marqaatiyaal ah  ee ay soo Bandhigeen Qareennada iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

SomaliSwiss@hotmil.com

%d bloggers like this: