Urur diimeedka Al-Ictisam Ex-Al-Itixad oo Waagu ku beryey iyo Fatwo ka dhan ah Al-Shabaab oo ay soo saareen.

DSC03278Qaar ka mid ah horjooge yaasha waaweyn ee urur diimeedka Al-Ictisam Ex-Al-Itixad oo sadaxdii cishe ee ugu dambeeyay uu shir uga socday magaalada Garoowe ayaa Garoowe ka soo saaray Fatwo diimeed ka kooban 10 qodob taas oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo lagu eedeeyey in dileen Sheekh C/qaadir Gacameey oo ka mid ahaa kooxdaan, kana mid ahaa ururkii Al-Itixaad oo ay ka soo wada farcameen Al-Ictisaam iyo Al-shabaab. Daawo Sawirada Kooxda, Dhagayso Fatwooyinkoodii hore & kuwii dambe.

Qaar ka mid ah Culimadii waaweynaa ee urur diimeedka Al-Ictisam Ex-Al-Itixad oo sadaxdii cishe ee ugu dambeeyay uu shir uga socday magaalada Garoowe ee maamulka Puntland ayaa shirkoodii kasoo saaray Fatwo diimeed ka kooban 10 qodob oo ka dhan ah Al-Shabaab, taas oo wadaadadu ay dusha uga tuureen dilkii Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo dhowaan lagu dilay Puntlnad.

Qodobada ay ka soo saareen shirkaas Wadaadada urur diimeedka Al-Ictisam Ex-Al-Itixad  ayaa Bayaankoodu wuxuu u qornaa sidaan:-

  1. Waxaan u mahad celineynaa ALLAha subxaana watacaala sidoo kale dowladda Soomaaliya iyo maamulada ka jiro dalka sida Soomaalind, Puntland iyo shacabkii gacanta ka geystay qabashada gacan ku dhiiglihii dilay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax.
  2. In kooxda Al-Shabaab ee dishay ALLAHA u naxariistee Sheekh C/qaadir aysan diinta islaamka shaqo ku lahaeyn ayna yihiin koox cadaw ah kuwaas oo shacabka kala dagaalsan dhinac waliba.
  3. In shareecada diinta islaamku aysan qabin in la gaaleysiiyo ama ladilo qof muslim ah balse kooxda Al-Shabaab ay ALLE iyo Rasuulkiisa Muxamed {NNKH} ay ku been abuuranayaan.
  4. In dadka Soomaaliyeed sida maamulada iyo bulshada ay ka hortagaan kooxdaasi dabar goyneysa ummadda Soomaaliyeed.
  5. Kooxaha wada qaraxyada in aysan matalin qabiil  dadka la laaynayano in aan loo dileyn qabiil, sharci ahaan  in aan qabiil lagu aaneyn sharcigane uusan qabin in magan galyo la siiyo kooxdaasi Al-shabaab, cidii u doodo ama magan galiyo siisana ay nacaladda ALLE ku dhaceyso.
  6. Waxaa loogu baaqay beelaha in ay ka digtoonadaan iska horkeenka ay kooxdaasi iskaga horkeeneyso dadka Soomaaliyeed gaar ahaan beelaha kala duwan ee Soomaaliyeed.
  7. In ay isku xukun yihiin shaqsigii amray faldambiyeedka ay ku dhaqmaan Al-Shabaab, kii fuliyay  iyo kii gacan siiya intuba.
  8. Waxaan ugu baaqeynaa dhamaan maamulada ka jiro dalka in lagu dhaqmo shareecada Islaamka cidii ku kacda faldambiyeedna la horkeeno shareecada Islaamka.
  9. In ummadda Soomaaliyeed ay iskugu yimadaan shirweyne looga arrinsanayo dhibaatada ay kooxda Al-Shabaab ku hayaan shacabka.
  10. In ummadda Soomaaliyeed ay qabsadaan xariga ALLE, wixii diin ahna uga dambeeyaan culimadooda oo ay cilmiga ka qataan si ay uga badbadaan marin habaabinta ay waddo kooxdaas iyo kuwa lamidka ah.

Related Audio Articles.

Akhristayaal intiinii hore noogu tixnayd Bilihii iyo Sanadihii lasoo dhaafay waxaad dhagaysateen oo aan idiin soo bandhignay Fatwooyin isugu jiray kuwa xilligaa cusub iyo kuwa ka sii horeeyey oo aan isugu kiin lifaaqnay, laguna cadaynayay inaysan Diin shaqo ku lahayn dagaallada ka socda dalka Soomaaliya. Fatwooyinkaas oo ay soo jeedinayeen, qaar ka mid ah culimadii taageeri jirtay Al-Shabaab, isla markaana ah kuwa ugu waawayn urur duumeedka Al-Ictisaam ee hore loo oran jiray Al-Itixaad kaas oo ay kasoo facameen inta badan kooxaha magca diinta ku dagaallama gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan Al-Shabaab.

Halkaan ka dhegayso Bayaan Culimadaasi soo saareen bilowgii khilaafkooda Al-shabaab iyo iyaga, sanadkii 2011.

Waxaan idiin soo gudbinnay oo aan dib idiin xasuusineynaa mar kale, isla markaana aad dhegaysa doontaan Fatwooyinkooda, adinkoo ka bogan doona intiinii aan hore u dhegeysan, nuxurka ama inta ugu muhiimsaneyd Fatwo loogu talo galay wadaadadaas oo uu akhrinayo, Fu’aad Maxamad Khalaf (Shongalo) oo ah wadaadka dhinaca Fatwooyinka u qaabilsan Al-Shabaab. Halkaan ka dhegayso Fatwadii Al-Shabaab ee loogu jawaabay Wadaadadii Al-Ictisaam ama ex Al-Itixaad.

Nuxurka codadkii hore ee Culimadii Al-Ictisaam Ex-Al-Itixaad iyo Fatwadii Al-Shabaab. Halkaan kawada Dhegayso.

HALKAAN RIIX SI AAD U DHEGAYSATO FATWOOYINKII CULIMADAAN EE AAN HORE U SOO GUDBINNAY

SH.  UMAL  [Shalay] (Hadalladiisii Intii uu taagersanaa AlShabaab )

1. “Dagaalka Mujaahidiintu Wadaan Waxaa diidan dad Masjidka Safka hore uga jira ….in la dilo  waa banaan tahay…..”

2. “Kuwa Dowlad Ku sheegga Kumeel gaarka ah,  waxay ku dhaarteen inay daacad u yihiin dastuurka gaalada…..”

SH. UMAL  [Maanta] (Markii uu Mucaaraday  Al-Shabaab)

1. “Waxay leeyihiin Al-Shabaab ayaa nahay, Waxey laynayaan shacabkii, waxay dilayaan kii masjidka ku tukanaya…. “

SH. SHIBILI [Shalay] (Intii uu taagersanaa AlShabaab )

1. “Golaha dowladda Meelgaar ku sheegga ah in lagalo waa KUFRI”

SH. SHIBILI [Maanta] (Markii uu Mucaaraday  Al-Shabaab)

1. “Dagaalkoodu mabanaana..Jihaad maaha..dadkey leynayaan”

SH. Idriis [Shalay] ( Intii uu taagersanaa AlShabaab ) “Waxa dadku rabo ayay rabaan…dadkooda ayay ka mid yihiin”

SH. Idriis [Maanta] (Markii uu Mucaaraday  Al-Shabaab) “Diintu maaha waxey sheegayaan, website-yadooda maaha, ee ha urar naanina Al-shabaab, Niman Zacaamo ah…Amiiroah oo doonaya inay ku qamaaraan dadka dhiigooda”


HALKAAN KA DHEGAYSO BAYAAN AY SOO SAAREEN CULIMADAAS.

Other Related News Articles.

Bilowgii iyo dhamaadka Taariikhda ururada Diiniga ah ee Soomaaliya soo maray iyo Kobocoodii.

Liiska Culimadii Al-Itixaad kuwii dagaallada Soomaaliya wax ka huriyay iyo kuwii diiday.

Culimadii waaweynaa ee urur diimeedka Al-Ictisam Ex-Al-Itixad oo taageeradi kala laabtay Al-Shabab. (Dhagayso Fatwooyinkii hadda & kuwii hore).

Abuu Mansoor oo culimadii Al-Itixaad u sheegay in ay kaleexdeen wadadii ay tuseen Al-Shabaab.

Xarakada Al-Shabaab oo Gaalaysiin tii ugu xumeyd Hawada u marisay Macallimiintoodii Al-Icitisaam Ex-Al-Itixaad. (Fatwo Shabaab).

Xasan Daahir Aweys oo farriin hanjabaada u diray Beelaha Abgaal, Majeerteen iyo Ogaadeen.

adaxa Fatwooyinka xarakada Al-Shabaab oo suxufiyiinta ka howlgala Muqdisho diinta ka saaray, kuna xakaumay dil.

Maxaad ka taqaannaa Hogaamiyaha Al-Shabaab Muqtaar Abu Zubayr. (Warbixin laga soo uruuriyay noloshiisa oo dhan, Biloow ilaa dhamaad)

Maxaad ka taqaan hogaamiyaha Al-Shabab Muqtaar Abu Zubayr. (warbixin laga soo uruuriyay noloshiisa oo dhan, Bilow ilaa dhamaad) Qaybta 2-aad

Qaar ka mid ah Culimada Ugu waaweyn Soomaaliya oo soo saareen Bayaan….

Sheikh Maxamed Umal – Qaraxii Muqdisho Ka Dhacay Jana Mid lagu Tagayo Maaha.

SomaliSwiss Archieve

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: