Ciidamada Dowladda oo Al-Shabaab kafara-maroojiyey deegaano cusub oo hoos taga gobolka Bay.

Ciidamada Dowladda.jpg1Wararka laga heleyo gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamada dowlada Soomaaliya ay la wareegeen deegaano ka tirsan gobolkaas oo ay hore gacanta ugu hayeen ururka Al-Shabaab, ka dib markii Ciidamadu duullaan culus ku ekeeyeen deegaanadaas hoos taga gobolka Baay iyadoo ciidamadu qabsadeen deegaano badan.

Max’ud Max’ed Nuur Siidow oo ah taliyaha ciidamada dowlada Soomaaliya ee deegaanka Goofgaduud ee gobolka Baay ayaa sheegay in ciidamada dowlada Soomaaliya ay alshabaab kala wareegeen deegaano fara badan oo ay ka ariminayeen kuwaas oo ka tirsan gobolka Baay wuxuuna tilmaamay iney qabsadeen deegaano ay ka mid yihiin Manaas iyo Cadow-duuraay ee ka tirsan gobolka Baay.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada dowlada Soomaaliya markii ay la wareegayeen deegaanadaas aysan la kulmin iska caabin buuran balse waxa uu tibaaxay in meelaha qaar ay ka dheceen dagaalo aan badneed isagoona sheegay iney ciidamadii shabaabka ka saareen deegaanadaas,taliyaha ayaa intaa ku daray in ciidanka dowlada Soomaaliya ay ku fool leeyihiin deegaanada Iidaale iyo degmada Diinsoor oo ay fariisimo muhiim ah ku leeyihiin ururka alshabaab.

Isagoona ballan qaaday in ciidamada dowlada Soomaaliya ay saacadaha soo socda gaari doonaan magaalada Diinsoor oo wararka ka imaanaya ay sheegayaan iney isku uruursanayaan ciidan iyo gaadiid badan oo ka tirsan alshabaab kuwaas oo u diyaar garoobaya sidii ay uga hortagi lahaayeen duullaanka kusoo food leh waxaana ay dadka deegaanka ku waramayaan iney jirto cabsi weyn oo laga qabo in magaaladaas uu ka dhoco dagaal ba’an oo fara looga gubto kaasoo waxyeeleeya shacabka ku nool magaaladaas,alshabaab ayaan wax war ah kasoo saarin deegaanada laga saaray.

SomaliSwiss Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: