Dowladda Mareykanka oo dayactirtey xarunta Saadka iyo Taakuleynta ciidammada Xooga dalka soomaaliyeed.

Calanka-MareykankaDowladda Mareykanka ayaa maanta wasaaradda Difaaca Soomaaliya ku wareejisay xarunta Saadka iyo Taakuleynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Villa Baydhaba kadib markii ay soo gabagabeysay dib u dayactir ay ku wadday xaruntaasi.

Munaasabaddan oo ka dhacay xarunta hoggaanka Saadka iyo Taakuleynta ee ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Villa Baydhaba ee ay saarakiisha dowladda Mareykanka oo dib u dayactir ku  sameeyey kaddib ku wareejinaya wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, waxaa ka soo qeyb galay wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya labadiisa ku xiggeen, ku simaha taliyaha ciidammada Xoogga ahna abaal duulaha ciidammada, saraakiisha ciidammada Xoogga, taliyaha ciidammada Uganda ahna taliyaha ciidammada AMISOM, saraakiil Military oo ka socatay dowladda Turkiga , sargaal ka wakiil ahaa wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka iyo fannaaniinta Horseed ee ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Munaasabadda waxaa khubado ka soo jeediyey hoggaannada Saadka iyo Taakuleynta ee ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed C/qaadir Macalim Nuur iyo C/llaahi Macalin Nuur oo sheegay in marxalado kala duwan ay soo martay xarunta Villa Baydhaba, isla markaana lagu guulleystay in dib loo howlgaliyo.

Sidoo kale taliyaha ciidammada AMISOM ayaa daboolka ka qaaday in guul weyn laga gaaray dib u dhiska ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

abaanduulaha ciidammada Xoogga Sarreeye Guuto C/kariin Yuusuf Aadan “Dhagabadan” ayaa sheegay in ciidammadu ay u dhisan yihiin sidii lagu yaqaannay, isla markaana ay diyaar u yihiin in ay gutaan waajibaadkooda, haddii ay helaan qalab.

Mr Jeam oo ka socday wasaaradda arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa rajeeyey in dhismaha xarunta iyo sidoo kale Taakuleynta Mareykanku uu u sameyna ciidammada Militariga Soomaaliyeed in la marsiin doono wadadii loogu talagalay.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliyeed mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji “Fiqi” ayaa u mahadceliyey dowladda Mareykan oo fulisay in dib loo howlgaliyo xaruntii Saadka iyo Taakuleynta ciidammada, isagoo sheegay in la dhammeystiray dhammaan qeybihii Saadka iyo Taakuleynta dowladda Soomaaliyana ay ka go’antahay in ay fuliso waxqadbadka qeybaha lagu guulleystay in ay shaqeeyaan.

Dowladda Mareykanka ayaa waayahan ku howlaneyd sidii ay u bixin lahayd taageerada uga aaddan dib uu dhiso xarumaha ciidammada Xoogga ee aan iminka qaarkooda shaqeyn, waxeyna tallaabadan ay qaaday muujineysaa sida ay uga go’antahay in sida ugu wacan ay uga qeyb qaadato dib u xoojinta dhismaha ciidammada Militariga Soomaaliya.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: