Al-Shabaab oo qarxiyey maqaayad ku taal xeebta Liido.

LIIDOQarax ayaa maanta ka dhacay qeybta gaadiidka lagu xareeyo ama lagu baarkimo ee maqaayad ku taal xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, qaraxaas oo ahaa mid xooggan ayaa sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo aan ilaa imika ma cadda waxa sababay qaraxa, haseyeeshee warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in uu ahaa gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ku qarxay iridda hore ee maqaayadda, xilli ay halkaasi ku sugnaayeen dad badan oo ka qadeynayay halkaasi.

Ilaa imika ma cadda khasaaraha rasmiga ah eee ka dhashay qaraxaasi, haseyeeshee warar hordhac ah ayaa sheegaya in uu ku dhintay hal ruux islamarkaasina ay ku dhaawacmeen sedex kale, kuwaasoo ah dad rayid ah oo ku sugnaa maqaayadda.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa hadda waxaa ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda, kuwaasoo wada baaritanno la xiriira qaraxa iyo weliba waxa sababay iyo inta ay gaarsiisan tahay dhibaatada dhacday ee naf iyo maalba isugu jirta.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: