DAAWO: Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jebiyey Jaamacadaha kala duwan ee dalka Maleysiya

DSC_0083Arday badan oo Soomaaliyeed ayaa ka qalin jebiyey Jamacadda lagu magacaabo  University teknology Malaysia UTM iyo Jaamacado ay ka mid yihiin  UIA, KLMU, kuwaas oo 15 ka mid ah ka qalin jebiyeen Shahadada Master, halka kuwa kale ahaayeen Degree. HOOS KA DAAWO SAWIRADA.

Arday badan oo Soomaaliyeed ayaa ka qalin jebiyey Jamacadda lagu magacaabo  University teknology Malaysia UTM iyo Jaamacado ay ka mid yihiin  UIA, KLMU, kuwaas oo 15 ka mid ah ka qalin jebiyeen Shahadada Master, halka kuwa kale ahaayeen Degree.

Xafladd loo dgigay ardadaas ayaa waxa kasoo qayb Galay Boqolaal Ardayda Soomaliyeed ee Dalka Malaysia wax ka barta gaar ahaan kuwa wax ka barta Jaamacada  UTM iyo Madax ka socotay Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Malaysia iyo Madaxda Ururka ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadaas leedahay.

 

Waxaana ugu horeen halkaas ka hadlay Gudomiyaha Ururka Ardayda Somaliyeed Jaamacadda UTM Aadan Xaji Maxamed ayaa hadal qiima badan kasoo jeediyey Waxa uu Amaanay aqoon yahanada Soomaaliyeed ee Malaysia kalinta ay ka geli karaan dib u dhiska Dalka Hooyo iyo kobcinta dhaqalaha Waxbarsahada Cafimaadka. Isaga oo hadalka Sii wata ayaa waxa uu yiri ”waxa tihiin tiir ka mid ah tirarka Soomaaliya taagi doona”.

Waxaa sidoo kale Xafladaas ka hadlay Gudoomiyaha Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Malaysia oo ka mid  ahaa Qalin jebiyayasha Jamacada UTM  shahadada Heerka Master-ta Cabdullaahi Suldaan ayaa tilmaamay Maanta in ay tahay maalin qiimo weyn u leh Ummadda Soomaaliyeed ee Dalka Malaysiya.

Waxa sidoo kale hadal qiima badan ka jeediyey Ku xigeenka Ururka Ardayda Ahaanibta ah ee Jaamacadda  UTM  Ibraahim Ogalu , iyo Mas’uuliyiin kale aya dhamandood  waxa ay halkaas kasoo jeediyeen khudbado qiima badan.

Abwaan Maxamuud Mire Dacar oo ka mid ah Ardayda Jaamacadda UTM oo soo jeediyey Gabay qiira badan tabanaya xaalada Dalka Soomaaliya hada marayo ifafaalada so socota iyo waxa loo bahan yahay in ay ka qabano.

Ugu Dambeentii Axmed Sheekh C/laahi (Maadey) oo ka mid aha Ardaydii qalin jabinaysay kuna taqasusay Computer Science heerka Master-ka oo u wararmayay Radio Muqdisho ayaa Sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu Maanta gaaro waxii uu in mudo ah usoo Sabrayay hadana uu Qorsheenayo in uu Dalka Dib ugu laabto si uu Aqoontiisa wadanka wax uga faa’ideeyo.

Ardaydan ayaa waxa ay ka mid yihiin Boqolaal Arday ah oo ka qalinjabisa Jaamacadaha Dalka Malaysiya oo Arday farabadan oo Soomaali ah ah waxkabartaan.

SomaliSwiss Kuala Lampur

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: