Al-Shabab oo ku faraxday geeridii ku timid Alaha u naxariistee Sheikh Maxamed Xeefoow, gudoomiyihii Ahlu Sunna.

Sheikh Xasan YacquubKooxda Al-Shabaab ayaa ku faraxday, isla markaana ka hadashay geeridii ku timid Allaha u naxariistee guddoomiyihii golaha fulinta ee Ahlu Sunna Waljamaaca, Sheikh Maxamed Yuusuf Xeefoow, iyagoo sheegay inuu ka mid ahaa dadka ku taagnaa oo dhibaatada ku hayay horumarka kooxdooda Al-Shabaab.

Xasan Yacquub Cali oo ah ninka u qaabilsan Al-shabaab gobolka Galguduud ayaa sheegay in Sheekh Xeefoow uu ka mid ahaa mas’uuliyiinta xilliga dheer dadaalka ugu jiray in aysan dalka Soomaaliya ka talin Al-Shabaab. “balse taas Alle ma oran oo oo waan joognaa wuxuuna dhintay isagoo aan hadafkiisaas ku guuleysan”  ayuu yiri.

“Waxaan leennahay waa nin ay shacabka Soomaaliyeed ka nasan doonaan gaar ahaan reer Galguduud, waxaana ku tilmaami karnaa inay la mid tahay geeridii ku timid kuwii isaga ka horreeyay ee heshiiska kula jiray gaalada” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Xasan Yacquub.

Mas’uulkan u hadlay kooxda Al-shabaab wuxuu sheegay in geeridiisa ay soo dhaweynayaan, isagoo xusay in dhankooda ay sii wadayaan dagaalka ay kula jiraan xoogagga Ahlusunna Waljamaaca oo marxuuku uu ka mid ahaa mas’uuliyiintooda.

Sidoo kale, ururka Ahlusunna ayaa dhankooda sheegay inay sii wadayaan dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab, waxaana mas’uul u hadlay oo lagu magacaabo Sheekh C/risaaq Maxamed Al-Ashcari uu sheegay inaysan waxba ka bedelayn awoodoodii iyo shaqadii ahlu sunna geerida Sheekh Maxamed Xeefoow.

Marxuumka ayaa shalay ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana uu u dhintay cudurka sokorta oo muddo dheer uu la xanuunsanayay, Maydka Sheekh Xeefoow ayaana maanta loo duuliyay magaalada Guriceel ee gobolka Galguduud halkaasoo lagu aasi doono, iyadoo ay horay u sii raaceen wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya. 

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: