Gudoomiye Jawaari iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo Maanta u dhoofay magaalaga Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

G. Barlamaanka jawaari1Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, iyadoo safarkiisu uu yahay kii ugu horreeyay oo uu dalka dibadiisa ugu ambabaxo.

Prof. Maxamed Sheekh Cismaan jawaari oo la hadlay saxaafadda intii uusan ka dhoofin Muqdisho ayaa warbaahinta u sheegay inay casuumaad ka heleen dhiggooda dalka Itoobiya, ayna kawada hadli doonaan xiriirka labada dal iyo sidii uu iskaashi u dhexmari lahaa.

“Waxaan casuumad ka helnay guddoomiyaha baarlamanaka dalka Itoobiya, wuxuuna ku saleysan yahay sidi labada baarlamaan ay u wadaagi lahaayeen khibradahooda,”  ayuu yiri Prof. Jawaari oo suxufiyiinta kula hadlay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Xubnaha safarkan ku wehlinayay guddoomiyaha baarlamaanka ayaa waxaa ka mid ah guddoomiyeyaasha guddi-hoosaadyada baarlamaanka iyo xubno kale oo baarlamaanka ka tirsan.

“Qodobbada aan kawada hadli doonno waxaa ka mid ah sidii wadashaqeyn joogot ah ay u dhexmari lahayd labada baarlamaan iyo arrimo kale oo khuseeya labada dal,” ayuu Prof. Jawaari hadalkiisa ku daray.

Wafdigan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusii sagootiyay xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo dowladda, iyadoo aan la sheegin inta maalmood ee uu qaadanayo safarkan.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Itoobiya ku tahay laba safar tan iyo markii la doortay, iyadoo safarkanna uu noqonayo midkii labaad oo mas’uul sare oo dowladda Soomaaliya ka tirsan uu ku tago dalkaas oo ciidammo ka joogaan gudaha Soomaaliya.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: