Al Fanaan Abduqaadir Macalin Yusuf Jubba oo ka jawaabay Codsi uga yimid duqa magaalada Muqdisho.

cabdul jubbaGudoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu codsi u diray dhamaan Fanaaniintii hore ee Hobolada Qaranka Waabari gaar ahaan Fanaanka Weyn Abduqaadir  Jubba oo kamid ahaa fanaaniinta dalka isaga tagay Xiligii ay Bur Burtay Dowladii dhexe ee Soomaaliya.

Abduqaadir Macalin Cumar Yuusuf Jubba  ayaa si toos ah uga jawaabay codsigii Gudoomiyaha Gobalka banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho tasoo eheyd in Xamar Xaal Marinteeda ay kamid tahay in Fanaaniinta uu Jubba kamid yahay si deg deg ah kusoo Gaaraan Muqdisho Bandhig Faneedna Ku qabtaan, isagoo intaa raaciyay in ay ahaan laheyd Farxad iyo damaashaad, waa hadii uu Jubba iman lahaa Muqdisho ama  Samatar In nabada Muqdisho ay Noqon laheyd mid ushaac baxda dhamaan Aduunka iyo Soomaalidaba.

Hadaba  Warbaahinta SomaliSwiss ayaa si gaara uwareysatay Al fanaan Jubba  waxaa uuna so dhaweeyay Codsiga Balse Jubba  waxaa uu ka codsaday Dowlada Soomaaliya hadii ay sugeyso Amaanka shacbiga In uu Iman doono islamarkaasina uu u hamuun qaba shacabkiisa waxuuna juba sheegay inuu aad uga xunyahay Maatida  iyo Birma geedada suxufiyiinta Lagu laayo Muqdisho.

Juba oo Ka Tiiraanyeysan Dhibaatada Somalia gaar ahaan Muqdisho oo ah halka uu ku dhashay ayaa waxa uu si koban u yiri “dadkuna waa dadkeenii wax diirta mooyee wax daryeela meey helin ee illaahoow duliga ka dulqaad adaa daa’im ahe.

Guud ahaan Jubba ayaa Ilaa iyo haatan si dhaba u shaac bixin Waqtiga uu Muqdisho tagi doono  xili aad loogu Hamuun qabo Madaxda  dalkana  ay ka codsadeen inuu yimaado  Balse waxa uu hoosta ka xariiqay In amaanka Muhiim tahay , dhanka kale waxa uu Mahad celin ujeediyay Duqa Muqdisho Tarsan hawsha adag uu u hayo.

Hussein Anteeno

Somali Journalist

anteeno22@hotmail.com

%d bloggers like this: