Waxaa qarax lala eegtay ciidammo Itoobiyaan ah oo ku sugan Magaalada Baydhabo iyo wafdi ka socday taliska xoogga dalka Soomaaliyeed kuwaasi oo uu hoggaaminayay taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jen. Cabdulqaadir Shiikh Cali Diini.
Taliyaha ayaa ku sugnaa Afar Irdoodka magaalada Baydhabo, waxaana halkaas uu dhaawac ka soo gaaray askari Itoobiyaan ah iyo 5 qofood oo shacab ah, uuna ka mid ahaa shaqaalaha Ā ilaaliya haya’dda UNICEF.
Taliyaha Ciidanka Soomaaliyeed Jen. Cabdulqaadir Shiikh Cali Diini ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya safiirkaĀ Itoobiya u fadhiyaĀ Soomaaliya iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Magaalada Baydhabo Ā ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxaa maalmahan ku soo qulqulaya ciidammo gadoodsan oo ka immaanaya jiidda hore ee dagaalka taasoo sababtay inay yimaadaan taliyayaasha ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeed.
Dhanka kalena, waxaan wali si rasmi ah u howlgalin maamulkii cusbaa ee gobalka BayĀ loo soo magacaabay, kaasi oo mucaaraddo xooggan kala kulmay Ā guddoomiyihii hore ee Gobalka Bay Cabdifataax Ibraahim Geesey.
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.