Madaxweyne Xasan Sheikh oo Daqiiqado kahor Ka dagay Magaalada Qaahira.

madaxweyne-xasan-dib-muqdishoMadaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Daqiiqado kahor gaaray Magaalada Qahaira ee Xarunta Dalka Masar halkaasoo la filayo in uu kaga Qeebgalo Shir madaxeedka Dalalka ku bahoobay Ururka Islaamka oo maalinta Bari ah ka Furmayo Magaalada Qahaira ee Dalka Masar


Wafdiga Madaxweynaha oo ka soo kicitimay Magaalada London ee Dalka Ingriiska waxaa socdaalkiisa ku wehliya Wasiiro iyo Lataliyayaal iyo Agaasimaha guud ee Xafiisk Madaxwaynaha waxana Garoonka Caalamiga ah ee Magaalada Qaahira ku Soo dhaweenayay oo ku sugnaa Madaxda Dalka Masar iyo Madaxda Dalka Soomaaliya oo ay ka Mid Yihiin Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr Maxamed Nuur Gacal iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Masar Danjire Cabdi Laahi Xasan Maxamuud.

Sidoo kale Waxaa Magaalada Qahira ee Xarunta Dalka Masar ku Qul Qulaya Madax da Islaamka waxaana Markii ugu Horeesay oo taariikhda ah ku tagay dalka Masar Madaxweynaha Iiraan Mahmoud Ahmadinejad Taasoo ah booqashadii u horeysay muddo 34-sano oo Hogaamiye Iiraan ah uu ku tago tan iyo markii uu Iiraan ka dhacay kacdoonkii Islaamiga ee sanadkii 1979.

Ugu Danbayntii Wafdga Madaxwaynaha ayaa waxaa soo Galbiyay Gawaariada lagu soo Galbiyo Madaxda Dalalka Caalamla Kadibna waxaa Madaxwaynaha la dajiyay Hooyga uu ku sugnaanayo Inta uu Joogayo Magaalada Qaahira ee Dalka Masar.

Filo Goor dhow Soo Dhawaynta Madaxwaynaha ee Magaalada Qaahira Daqiiqado kadib Insha Allah

%d bloggers like this: