Ururka Ardayda Somaliyeed ee Dalka malaysia oo Doortay Gudoomiye cusub Madasha Hoolka iyo Magaalada Kuala lumpur

734049_521437247877666_178200537_nUrurka Ardayda Somaliyeed ee Dalka malaysia  Ayaa Sanad Kasta Xiligan oo kale  waxay u dabaal dagaan Sanad Guuro doorasho iyo  Gudoomiye Cusub Tasoo Madal u ah xarunta jaamacada islaamka UIA-da Gudaha Caasimada Kuala lumpur Malaysia. HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Somaalida Malaysia ayaa ku caan baxday Nidaamka Ururada, Maamul Wanaaga iyo Iskaashiga Ardayda. Hadaba   Habeenki Xalay ahaa Doarashada ururka Ardayda ayaa kusoo Gaba Gaboowday Jawi asluubeysan.

Musharixiinta kala ah Abdulaahi sultaan Iyo  Ibraahim Hassan Haji  ayaa waxay ahayeen Kuwa u tartamayay  si Hufnaan Ka muuqato. Ardayda  Goobta isugu yimid ayaa  ah Kuwo aad utira badan waxaana Ardayda  Ka muuqatay Shucuur Iyo Iney diyaar u ahayeen Koox kasta Iney Iyadu Guusha raacdo  dhankeeda.

Sikastaba ha ahatee waxa guusha raacday Gudoomiyaha Cusub  oo Helay cod gaaraya 212 Halka   Ibraahim Hassan  hantiyay  cod  dhan 60 Vote. Guud  ahaan   waxa Goobtaasi  Lagu caleema Saaray Gudoomiyaha Cusub ururka Ardayda Somaliyeed ee Dalka Malaysia Ilaa sanadka Fooda Nagu soo   Hayo.

Gudiga Doorashada  aya Iyagu Ku dhawaqay Natiijad Codkaasi, Iyadoo goob jogayaasha noo Xaqiijiyeen Iney Gudida Ka madax banaanayeen Isdaba marin iyo Nin tooxsi.

Sanad kasto ururka Ardayda somaliyeed waxa Laga dhexlaa  Abaabin iyo Fir fircooni Si uu usoo Daadihiyo  Nidaam u baahan Bar Baarin iyo Tijaabin Hasa ahatee Gudomiyihii hore ee ururka Ardayda Mawliid Ahmed ayaa qaar Katirsan ardayda oo Nala soo xiriirtay  Waxay ku edeyeen Inuu waqtigiisa ku dhameeyay Soo dhaweynta Masuuliyiinta kasoo jeeda  Maamulka  puntland  Halki uu ururka Ardayda u shaqeyn lahaa.

Isku soo wada duu duub Ururka Ardayda ayaa shaqadiisa Tahay soo deynta Somaalida xabsiya Gasha ,Ka war qabka  ardayda dhibaatooyinka Lasoo Darista iyo  Barashada nidaamka isla shaqeynta tanaasulka,Maareynta iyo soo saarista Hogaamiya-yaasha baritoole.

Hussein Anteeno

Senior Freelance  Journalist

anteeno22@hotmail.com

%d bloggers like this: