Qarax Ismiidaamin ah oo goordhow ka dhacay Madaxtooyada, gaar ahaan inta u dhaxeysa Safaarada Ethiopia iyo guriga Ra’isal wasaaraha.

62Xarunta madaxtooyada Soomaaliya wararka laga helaayo ayaa sheegaya in ruuxa isku soo xiray waxyaabaha qarxa inuu isku qarxiyay Iridka  hore ee xarunta SafaaradaItoobiya ee Magaalada Muqdisho. HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Wararka ku saabsan qaraxaas  ayaa waxaa ay sheegayaan in Ruux naftiis halige ah uu fuliyay qaraxaasi,  kaasi oo isku soo xiray waxyaabaha qarxa kuna hor qarxay safaarada horteeda.

Waxaa goobtii uu qaraxa ka dhacay isku gadaamay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, iyadoo aan weli si dhab ah loo ogayn khasaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxaasi uu fuliyay ruuxa naftiis haliga ah ee ku qarxay halkaasi.

Saxafiyiinta ayaa  loo diiday inay gudaha u galaan Madaxtooyada Soomaaliya si ay xog uga soo helaan qaraxa iyo khasaaraha ka dhashay, hase yeeshee waxay wararka qaar sheegayaan in qaraxaasi uu ku dhintay hal ruux oo ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliyeed, iyadoo sadax kale halkaasi uu dhaawac ka soo gaaray.

Dhinaca kale wararku waxay sheegayaan in ruuxa is qarxiyay sadax maalmood laga celinaayay inuu galo Madaxtooyada, hase yeeshee maanta ugu dambayn isku qarxiyay halkaasi, iyadoo la soo sheegayo in ruuxa is qarxiyay uu ka tirsanaan jiray kooxihii ka soo goostay Shabaabka, islamarkaana uu ka tirsanaa ciidamada Dowladda, iyadoo ninkaasi uu doonaayay sida la sheegay inuu isku qarxiyo Hoyga uu degan yahay Ra’iisul wasaaraha, hase yeeshee laga hor istaagay.

Ciidamada Dowladda ee ilaalada ka haya Madaxtooyada ayaan ahayn kuwo si aad ah u dhiifoon, waxaana halkaasi ku arkaysaa inay tahay goob aad u mashquul badan oo ay ku socdaan Shacabka rayidka ah, mana jirto cid la baaro oo qof kasta waa iska galaa halkaasi.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: