Naftii hurihii isku qarxiyay madaxtooyada Horteeda Maanta oo la helay Sawirkiisa.

ninka_is_qarxiyaySomaliswiss oo xariiro kala duwan la sameysay Saraakiisha Nabad Sugida iyo kuwa Booliiska ayaa waxaa ugu suurto gashay in ay soo hesho magaca iyo Sawirka ninkii maanta fuliyay Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, gaar ahaan agagaarka meesha ay ku taala Safaarada Itoobiya.

Qaliif Axmed Ereg oo ah Taliyaha Hay’ada Nabad Sugida ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Ninkan uu katirsanaa Al-Shabaab 14-kii Bishan Janaayo uu iska soo dhiibay Degmada Wanlaweyn isaga oo watay Qori AK-47 iyo Bistoolad.

Taliyaha waxa uu xusay in Ninkan uusan katirsaneyn Hay’ada Nabad Sugida, isla markaana uu ahaa nin ay ku wadeen baaritaano xaqiijin ah, balse nasiib darro waxaa uu Maanta isku qarxiyay qeyb kamid ah Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Ninkan Maanta is qarxiyay ayaa Magaciisa waxaa lagu sheegay Cali Cabdi Xareed Maalin kana mid ahaa Dagaalyahanadii Al-Shabaab, balse markii dambe isku soo dhiibay Ciidanka Dowlada ee Gobolka Sh/Hoose, loona soo gudbiyay magaalada Muqdisho oo uu maanta ka fuliyay weerarkan fashilmay.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: