Madaxweyne Xasan Sheikh oo qudbad ka jeediyay shirkii Brussels ee dalka Belgium-ka.

205752_592379564124827_1062529085_nMadaxweyne Xasan Sh. Maxamud iyo wafdi uu gogaaminayay ayaa markale maanta gaaray maagalada Brussels ee xarunta dalka Belgium, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay. Safarkan oo noqonaya kii 12-aad tan iyo intii uu Qabtay Hogaanka dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa  socdaalkiisa ku wehliyay R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibada, wasiiru dowlaha Madaxtooyada, xildhibaanno ka tirsan baarlamanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale,  waxaana si weyn ugu soo dhaweeyay dalkaasi safiirka midowga Yurub ee Soomaaliya iyo madax ka tirsan dowladda Belgium-ka.

Madaxda dalka Soomaaliya ayaa sheegtay in maalinta Beri ah ay la kulmi doonaan madaxda Midowga Yurub, isla markaana socdaalkooda ku joogi doonaan dalkaasi muddo laba maalin ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa casuumaad ka helay Midowga yurub, iyadoo uu Madaxweynaha ka hadlay Fursada uu heysto iyo sida Reer Yurub ay u garab taaganyihiiin.

Dhanka kale Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa la dajiyay Hotel kamid ah Hoteelada ladajiyo madaxda iyo marti sharafeedka timaada dalka Belgium-ka.

Guud ahaan  Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa kaloo ay ka wada hadli donaan madaxda reer Yurub Tacadiyada Xuriyatul Qawlka Saxaafada iyo Kufsifa.

Somaliswiss Brussels

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: