Yacquub Cabdi Isaaq  waa Aabbe Soomaaliyeed oo Mudo Sadex Sano ah la Daala dhacayey Wiil Yar oo ka Xanuunsan oo lagu Magacaabo Zakeriye Yacquub Cabdi oo da’ddiisuna ay tahay Saddex Sanno jir, isagoo kala Quustey Dhaqaatiirta ku sugana Gudaha Soomaaliyaa, Kuwaas oo markii Dambe kula Taliyey in uu u baahan yahay Caafimaad Dibadeed,iyadoo aad halkaan ka heleysid Waraaqihii caddeynta ee ay qoreen iIbitaal Banaadir iyo wasaaradda caafimaadka.
Aabbe Yacquub waa Shaqsi aan maanta aan Awoodin in uu Wiilkiisa Zakeriye u qaado Caafimaaad Dibada ah  , wuxuuna ka dhashey Qoys Sabool  ah oo Degen Gobolka Gedo gaar ahaan Degmada Luuq ,hase yeeshee Aabbe Yacquub , waxaa uu hadda ku sugan yahay Magalada Muqdisho , waxaana uu Dhwr jeer uu wiilka keeney Magaalada Muqdisho Balse waxaa uu ka waayey la tacaalidii uu u baahnaa Wiilkiisa, waxayna Dhaqaatiirta ay Cadeeyeen in Hadii Wiilka uu helo Caafimaad Dibadeed uu Bogsan karo.
Aabe Yacquub Cabdi Isaaq waxaa uu usoo jeedinayaa Hayadaha Samafalka , Ganacstada Soomaaliyeed , Jaaliyadaha Dibada iyo Dowlada Federaalka in ay ku gacansiiyaan sidii Zakeriye uu u heli lahaa Daaweyn Dibadda ah.Hadaba ciddii dooneysa in ay Caawinto Wiilkaas yar waxay kala soo xiriiri karaan Cinwaanada Hoos ku Qoran.
Hooyo Ifraax Cabdiraxmaan Nuur Qajaaja
TEL Â 00252615015992
00252615015660
Aabbe Yacquub Cabdi isaaq Cabdi
00252615559443
00252699737741
E-Mail: yakoub_43@yahoo.com
E-Mail: yakoub43@gmail.com
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.