Ciidamada Liibiya oo Kufsi iyo Faraxumeyn naxariis la’aan ah ku haya Haween Soomaaliyeed oo xabsiyo ku jira.

kufsigaCiidamada dalka Liibiya ayaa si joogta ah oo naxariis daran, isla markaana aan qaris laheyn waxay kufsi iyo farxumeyn joogto ah ku hayaan Haween Soomaaliyeed oo lagu hayo xabsiyada dalkaasi, kuwaasi oo ku sugan xaalad bani’adam-nimo tii ugu darneyd ee caalamka ka dhacda.

Mid ka mid ah Gabdhaha Soomaaliyeed ee xabsiyada dalkaasi ku xiran (Magaceeda waan qarinnay) oo SomaliSwiss jaanis u heshay in ay kula hadasho Talefoon si qarsoodiya loogu geeyay xabsiga gudahiisa ayaa si weyn uga deyrisay xaaladda ay ku sugan yihiin haweenka Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada dalkaasi.

Haweeneydaasi waxay sheegtay in iyaga oo tahriibaya ay ciidamada dalka Liibiya qabteen sanadkii hore dhexdiisa, dabadeedna ku xireen duleedka magaalada Tripoli  xabsi ku yaalla iyadoo sharraxday qaabka ay ula dhaqmayaan askarta dalkaasi oo ay xustay in ay si aan qaris lahayn oo joogto maalin iyo habeen gabdhaha ku xoogayaan xabsiga gudahiisa.

Gabadhaasi ayaa waxay sheegtay in xabsiga ay ku xiran yihiin ay ku jiraan 128 Soomaali ah oo 18 ka mid ah ay Haween yihiin, iyadoo sheegtay in askarta dalkaasi ay si joogto ah maalin iyo habeen xabsiga ugu dhex xoogayaan 18-kaas hablood oo ay xustay in saf dheer ay ugu jiraan askartu.

Gabdhahaasi ayaa dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha u dooda ee caalamka ka codsaday in laga soo gaaro oo haweenkaas xabsiyada laga saaro dalkoodina dib loogu celiyo.

Soomaali badan oo qaxootiya ayaa ka buuxa xabsiyada dalal fara badan oo siyaabo kala duwan ay ugu jiraan xabsiyadooda kuwaas oo tacadiyo kala duwan loogu geesto gudaha xabsiyada ay ku xiran yihiin, hase yeeshee xaalladda xilligaan ee xabsiyada Liibiya ayaa lagu sifeeyay xadgudub banii’adam kii ugu xumaa.

SomaliSwiss Tripoli

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: