Agaasimihii Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya iyo Madixii Imtixaanaadka dalka oo seefta cadaaladdu qaadday.

musaqWasaaradda Adeegga Bulshada Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in xabsiga la dhigay agaasimihii guud ee wasaaradda waxbarashada iyo barbaarinta dawlada federaalka Soomaaliya Muuse Faarax Xeyd, wiil uu dhalay iyo madixii xafiiska imtixaanaadka ee wasaaradda waxbarashada. 

Wasiirka Wasaaradda Adeegga Bulshada Maryan Aweys Qaasim oo wasaaradeeda ay hoos timaado wasaaradda waxbarashada ayaa galabta saxaafadda gudaha u sheegtay in agaasimihii guud ee wasaaradda waxbarashada xilka laga qaaday uuna hadda ku xiran yahay xarunta dembibaarista ee CID-da Muqdisho halkaasna su’aalo lagu weydiinayo.

Muuse Faarax Xeyd waxaa soo dacweeyay dadweyne la sheegay inuu lacago fara badan uga qaatay xafiiskiisa intii ay socdeen deeqihii waxbarasho ee ardayda Soomaaliyeed loogu diray wadanka Turkiga taasoo dadka looga iibsan jiray lacago aad u fara badan.

Muuse Faarax Xeyd waxaa la xiran wiilkiisa iyo madaxii xafiiska imtixaanaadka oo labaduba loo heysto inay musuqmaasuq ku sameeyeen deeqihii waxbarashada ee loogu talagalay ardayda Soomaaliyeed in si siman loogu qeybiyo.

“Wasaaradeyda cid u xiran ma jirto cid aan anaga xirnay ma jirto, waxaan rabaa inaan dadweynaha u cadeeyo in dadweyne ay soo dacweeyeen agaasimihii hore ee wasaaradda waxbarashada, wiil uu dhalay iyo madaxii xafiiska imtixaanaadka waxayna hadda u xiran yihiin caddaaladda oo su’aalo weydiineysa.” ayey tiri Maryan Qaasim oo galabta hadashay.

Maryan Qaasim waxay sheegtay in dadka xiran ay yihiin afar ruux, isla markaana nin shanaad uu dalka ka baxsaday dhamaantoodna loo heysto isla dacwada musuqmaasuqa deeq-waxbarasho waxbarashada oo ay lacag ka qaateen ardaydii cilmi doonka ahayd.

Saddexda ruux ee kale ee la xiran Muuse Faarax iyo ninka baxsaday magacyadooda lama shaacin illaa hadda, hase yeeshee Maryan Qaasim ayaa ku celcelisay ineysan iyada waxba ka quseyn, isla markaana aysan dacweyn dadka la xiray oo ay xustay in aysan waxbadan kala socon arrimaha quseeya wax isdaba marintooda iyo musuqa ay ku kaceen.

“Dadweyne ayaa soo dacweystay dadkaan waana la baarayaa, haddii wax lagu waayana waa la siideynayaa.” ayey sii raacisay.

Waa markii ugu horeysay oo masuuliyiin heer agaasime ah oo ka tirsan dawlada loo xiro musuq maasuq ka dhacay xafiisyada dawladda, waxaana saf dheer ku jira dad badan oo iyaguna ku dacwoonaya kiisas midkaan la mid ah kk ka dhacay xafiisyada dowladda, isla markaana sugaya wado ay u maraan albaabada laga gali karo caddaaladda iyo sinaanta.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: