Boggii Twitter-ka ay ku lahaayeen Al-Shabaab oo la xiray.

somali_al_shabaab_rebels_join_twitterBoggii ay xarakada Al-Shabaab ku lahaayeen barta Twitterka oo in muddo ah ay isticmaalayeen ayaa hadda hawada laga saaray, kadib markii sida alasheegay Shirkada Twitterka culeys lagu saaray in ay xirto bogga Shabaabku ay kuleeyihiin.

Bogga Twitter-ka ee Al-shabaab oo si rasmi ah u shaqeynayey ilaa iyo bishii December ee sanadkii 2011-kii, isla markaana ay u adeegsanayeen Al-Shabaab soo bandhigidda wax kasta oo ay doonayaan in ay dunida gaarsiiyaan ayaa ahayd mid ka mid ah ilaha muhiimka ah ee warbaahintooda.

Reer galbeedka ayaa waxa ay horay sidaan oo kale ay u qarxiyeen baro kooxa katirsan Al-Qaacida ay ku lahaayeen shabakada online-ka, iyada oo kooxda Shabaab horay looga qarxiyay website-yo afkooda kuhadli jiray.

%d bloggers like this: