Bahdilka shilinka Soomaaliga, Sicir bararka Suuqyada dalka Hooyo iyo hoos u dhaca sarrifka lacagta qalaad ee Dollarka.

Dollar

Qiimo dhac aad u balaaran ayaa ku yimid heerka isku sarrifka qiimaha lagu kala wareejiyo lacagta doolarka iyo Shilin Soomaaliga iyadoo dhinaca kalana sare u kac uu ku yimid maciishada quutul daruuriga ee Soomaaliya, gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

Qaar ka mid ah aqoonyahanada iyo ganacsatada Soomaaliyeed  ee k u nool magaalada Muqdishoayaa si gooni gooniya uga Hadlay  Bahdilka shilin somaaliga Cabdullaahi Shiikh Max’ed Muftaax oo ah qabiir ku taqususay arimaha ganacsiga ayaa saxaafada uga warbixiyay  ugu horeyn sababaha keenay in xiligani hoos u dhac uu ku yimaado doolarka maciishaduna sare u kacdo.

“Een waxaa keeni kara saabo badan xaalada dhaqaalaha wadanka ,dhoofinta alaabaha aan dibada u dhoofino iyo kuwa aan ka keeno” ayuu yiri Cabdullaahi Shiikh.

Sidoo kale waxaa  Arintaasi  Ka hadlay Aqoon yahan Cabdi Daahir Xasan Shiikh Yuusuf waxaana uu isna dhankiisa ka war bixiyay sababaha keenay hoos u dhaca qiimaha doolarka,waxaana uu sheegay in sababtaasi ay tahay badeecada dibada ka soo gashaa oo aad uga badan tan loo dhoofiyo.

Cabdullaahi Shiikh Max’ed Muftaax ayaa dowalada Soomaaliya ugu baaqay in ay dalka soo galiso shilin Soomaali farabadan si looga badbaado saameynta iyo sare u kaca maciishada qutul daruuriga.

Horaantii todobaadkii tagay ayaa waxaa magaalada Muqdisho si weyn looga dareemayay hoos u dhac weyn oo ku yimid sarifka doolarka halka uu sare u kacay qiimaha maciishada qutul dararuuriga kaasi oo saameyn weyn ku yeeshay bulshada Soomaaliyeed haba ugu sii darnaatee dadka danyarta ah.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: