Dad kabadan 200 ruux Soomaali ah oo maalin walba ka dhoofa garoonka diyaaradaha magaalada Nairobi.

soomaalida eastlighSoomaali badan oo ku dhaqnayd dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi ayaa iminka la arkayaa in ay si xowli ah uga dhoofayaan garoonka Jomo Kenyata ee Nairobi, ka gadaal markii culeys joogta ah uu ka soo fuulay dhinaca dowladda Kenya.

Xaafada Islii ee magaalada Nairobi oo ay si weyn u deganaayeen Soomaalida ku dhaqan magaalada Nairobi, ayaa waxaa xilligaan laga dareemayaa cidlo cidlo iyo in ay ka sii yaraanayaan dadka Soomaalida.

Dhaq dhaqaaqii ganacsi iyo goobihii ay bulshadu isugu imaan jirtay ayaa waxaa sidoo kale xilligan laga dareymayaa, in uu ku yimaaday naxuus weyn, taasina waxaa loo aaneynayaa dowladda Kenya oo cadaadis daran saartay, Soomaalida ku dhaqan magaalada Nairobi.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Amb. Maxamed Cali Nuur “Ameeriko”, ayaa u sheegay Idaacada VOA Laanteeda afka Soomaaliga, in maalin walba ay garoonka diyaaradaha Nairobi ka dhoofaan inta u dhaxeyso 150 ilaa 200 ruux oo Soomaali ah.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalin walba ka soo degga laba diyaaradood oo sida rakaab Soomaali ah, kuwaas oo ay ka soo qaada garoonka diyaaradaha magaalada Nairobi.

Tirada Soomaalida ka imaaneysa magaalada Nairobi ayaa maalmaha qaar lagu qiyaasaa in ka badan 200 oo ruux, iyadoo Danjire Ameeriko uu sheegay in tani ay tahay wax aad u wanaagsan, maadaama madaxweynaha Soomaaliya uu dhowaan ku dhawaaqay in dadka Soomaaliyeed dib loogu celinayo dalkooda.

Danjiraha ayaa intaasi ku daray in tani ay muujineyso sida xilligan uu usoo hagaagayo ammaanka dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: