Soomaaliya oo si weyn uga dhex muuqatay Shirka Haweenka Baarlamaanada dalalka Islaamka uga socda dalka Sudan.

68Magaalada Khartoum ee Caasimada Dalka Sudan  waxaa ka Socda  shir ay ku leeyihiin Baarlamaanada Wadamada Islaamka ah, iyadoo sidoo kale ay ka garab socdo Shir ay ku leeyihiin Xildhibaanada Haweenka ah ee Wadamada Islaamka ah. HOOS KA FIIRI SAWIRADA.

Shirkan ay khartoum ku yeesheen Haweenka Baarlamaaniyaadka ah in ka badan 29 Dowladood oo ay Soomaaliya ka mid tahay ayaa waxa ay kaga hadleen sidii loo xoojin laha xariirka Haweenka Baarlamaaniyaadka ee wadamada islaamka.

Shirkan oo ay  Soomaaliya u matalayeen  laba  Xildhibaan oo ka tirsan haweenka Xildhibaanada ah ee Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya ayaa waxa ay kala yihiin Sacdiyo Carees Ciise kaarshe iyo Aamino Maxamed Cabdi.

Aamino Maxamed Cabdi oo u hadlaysay warbaahinta qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegtay in shirkaas ay Haweenkii baarlamaaniyaadka ahaa ay u sheegtay waxa Soomaaliya ka socda gaar ahaan Xaalada Haweenka Soomaaliyeed oo ay tilmaantay in Dowladan hada jirta ay tahay Dowladii ugu horaysay ee xilal waa wayn oo heer sare ah u dhiibtay Dumarka Soomaaliyeed.

Xildhibaanad Aamina ayaa intaas ku dartay in ay haweenka Soomaaliyeed ay haystaan Xilalka ugu sareeya Dowladda sida Raysul wasaare ku xigeenka ahna wasiirada arimaha Dibadda iyo Wasiirada Wasaaradda Adeega Bulshad iyo Xildhibaano  Baarlamaanka ku jira.

Waxayna ugu Dambentii ugu Baaqday Gabdhihii ka socday Baarlamaanada Wadamada islaamka ah in ay wafdi indha indhayn ah ay usoo diraan wadanka Soomaaliya.

Waa  markii ugu horaysan inta la ogyahay ilaa intii ay bur burtay Dowladii dhexe ee Soomaaliya ay Haween Baarlamaanka  Soomaaliya ka socda ay ka qayb galaan shir Noocan oo kale ah.

SomaliSwiss Khartuum

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: