Jaaliyadda Puntland iyo Raaskambooni ee Minnesota oo ka xumaatay kulankii Madaxweynayaasha Somalia iyo USA.

bananbaxMadaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamud oo dhowaan booqasho rasmi ah ku tagay wadanka Maraykanka ayaa xaflad aad u ballaaran waxaa loogu sameeyay magaalada Minnesota ee gobolka Minneapolis. HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Xafladan oo ay soo wada qaban qaabiyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Minnesota iyo Sanetor kasoo jeeda gobolka Minneapolis ayaa ka dhacday hoolka weyn ee xarunta shirarka (Minneapolis Convention Center). Hoolka xafladu ka dhacday ayaa buux dhaafay galabnimadii hore, waxaana albaabka hore laga celiyay boqolaal Soomaali ah oo uu ka buuxsamay hoolku.

Banaanka hore ee xarunta shirka lagu qabtay dhinaceeda kale ayaa waxaa boorar muujinayay mucaaradnimo waxaa la istaagsaaa qaar kamid ah Jaaliyada Soomaalida, gaar ahaan kuwa kasoo jeeday gobolada Puntland iyo Ogaadeenka Kenya, iyadoo aan la garanayn sababta banaanbaxa mucaaradnimadu uu ku socday.

Qaar ka tirsan taageerayasha maamulka Puntland iyo Ogaadeenka taabacsan kooxda Raas Kambooni ayaa maalinimadii Jimcaha ku dooday in ay been tahay in madaxweyne Xasan Sheikh Maxamud uu la kulmay madaxweyne Obama, waxayse hadalkoodii dabciyeen markii (White House) Aqalka Cad uu soo saaray baaq wata masawiro oo ku saabsanaa labada madaxweyne shirka ay wada qaateen.

Diidmada reer Puntland iyo Raaskambooni ay ku diideen kulanka labada madaxweyne ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii Xildhibaan Cali Khalif Galeyr uu todobaadkii hore sheegay in madaxweyne Xasan Sheikh uu ku fududaaday imaanshihiisa Maraykanka, wuxuna saadaaliyay in wasaarada arimaha dibada Maraykanku aysan qaabili doonin madaxweyne Xasan Sheikh, iskaba daa inuu la kulmo madaxweyne Obama.

Cali Khalif ayaa doodiisa cuskiyay in xiligan ay dowladda Maraykanku ku jirto diyaargarowga xafladda caleema saarka, sidaas darteedna uu madaxweyne Xasan Sheikh hotel cidla ah daganaan doono, ka hor inta uusan ku laaban Muqdisho.

Mudaaharaadka ay dhigeen Jaaliyadda Puntland iyo Raaskambooni ayaa u muuqda mid looga xanaaqsan yahay kulankii Obama iyo Xasan Sheikh, waxayna u ekaayeen in ay doonayaan inay tusaan dowladda Maraykanka inaan loo dhameyn dowladda Soomaaliya oo uu jiro mucaarad kasoo horjeeda madaxweynaha cusub Xasan Sheikh Maxamud.

Halkan Guji si aad u aragtid bogga Aqalka Cad (White House) oo soo bandhigay sawiradii labada madaxweyne. http://www.whitehouse.gov/photos-and-video/photo/2013/01/president-obama-drops-meeting-president-hassan-sheikh-mohamud-somalia 

DAAWO: Dhammaan Khudbadihii iyo Wareysiyadii Madaxweyne Xasan Sheekh ee dalka Mareykanka.

Riix Halkaan: CNN Interview with Somali President. 05 Min

CSIS Interview with Somali President. 07 Min

DAAWO SU’AALO MADAXWEYNAHA LAGU WEYDIIYEY MACHADKA CSIS. 57 Min

DAAWO KHUDBADII MADAXWEYNAHA MACHADKA CSIS.  27 Min

DAAWO KHUDBADII MADAXWEYNAHA EE JAALIYADDA MINNESOTA OO KOOBAN. 06 Min

DAAWO KHUDBADII MADAXWEYNAHA EE JAALIYADDA MINNESOTA OO DHAN. 60 Daqiiqo.

DAAWO KHUDBADIHII MADAXWEYNAHA IYO HILLARY CLINTON

%d bloggers like this: