Dibadbax balaaran oo lagu taageerayo dowladda Mareykanka oo ka soconaya magaalada Muqdisho.

somalia demonistrationBanaanbax balaaran oo lagu taageerayo aqoonsiga dowladda Mareykanka oo ay isugu soo bexeen bulashada ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa lagu qabtay Suuqii Ceelgaab ee uu gudoomiyaha gobalka Banaadir u bixiyay beerta nabada, kadib markii uu baneeyay. HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Banaanbaxaan ayaa waxaa isugu yimid kumanaan dad ah oo ka kala socday degmooyinka gobalka Banaadir, waxaana khudbado ka jeediyay Wasiirka koowaad ee dalka iyo Wasiirka arimaha gudaha oo dhamaan ka hadlay muhiimada dibad badaaxsi oo ahaa mid lagu muujinayay sida Soomaalidu ay raalliga uga tahay aqoonsiga dowlada Mareykanka oo ah dwolada xiligaan ugu tunka weyn aduunyada.
f

Dibad baxa ayaa waxaa sidoo kale ka muuqday sawirada madaxweynaha dalka mareykanka Barack Obama oo katurjumaya in isu soobaxa loogu tala galay weyneynta xariirka cusub ee ay yeelanayaan dowlada aduunka ugu tunka weyn iyo dowlada aduunka ugu dhibaatada badneyd sanad kahor.

R/wasaaraha dalka Soomaaliya Cabdi faarax Sheyrdoon (Saacid) ayaa waxa uu ugu baaqay dowladaha kale in iyana ay sidaan oo kale u aqoonsadaan dowlada Soomaaliya oo uu kufaanay in ay latimid wax keeni kara in la’aqoonsado.

 

%d bloggers like this: