DAAWO: Xafladdii Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ku dhaqan Minnesota.

MN_SOM_President1Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Minnesota oo ay ku nool yihiin sida lagu qiyaasay Soomaalida ugu badan ee dalka Mareykanka ku dhaqan,  iyadoo Madaxweynahana ay kumanaan dadweyne ah ku soo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha Minnesota. HOOS DAAWO XAFLADDA OO DHAN FULL VIDEO IYO SAWIRADA

Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Minnesota ayaa garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi si diiran ugu soo dhaweeyay madaxweynaha iyo wafdigiisa,  iyadoo munaasabad loo dhigay uu madaxweynuhu kala hadlay Jaaliyada Soomaaliyeed ee reer Minnesota. Halkaan hoose ka daawo Xafladda soo dhaweynta Madaxweynaha iyo Khudbadiisa oo dhan.

DAAWO KHUDBADII MADAXWEYNAHA EE JAALIYADDA MINNESOTA OO KOOBAN. 06 Daqiiqo.

DAAWO KHUDBADII MADAXWEYNAHA EE JAALIYADDA MINNESOTA OO DHAMEYS TIRAN. 60 Daqiiqo.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADA

Wariyeyaasha ku sugan magaalada Menesota ayaa ku soo waramaya in madaxweynaha iyo wafdigiisa loo soo dhaweeyay si weyn iyadoo ay ka soo qeybgaleen qeybaha bulshada Soomaalida ee ku nool magaaladaasi iyo deegaanada kale ee u dhow.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO KULANKII HILLARY & MADAXWEYNAHA FULL VIDEO.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu la hadlo Jaaliyada isla markaana uu u sharaxo xaalada ka jirta dalka iyo qorshaha dowlada ee ku aadan horumarinta dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Mareykanka ayaa Washintown kula kulmay dhiggiisa dalkaasi saacado kadib markii dowladda Mareykanku ay 21 sano kadib ku dhawaaqday in ay aqoonsatay dowladda Soomaaliya.

SomaliSwiss Ohio

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: