Dowlada Mareykanka oo sheegtay in aysan arimaha Soomaaliya kala hadli doonin cid aan dowladooda ahayn.

ame

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay si rasmi ah u aqoonsan tahay midnimada Soomaaliya, Isla markaana aanay jiri doonin siyaasaddii loo yaqaanay dual track ee maamulada Soomaalida midba gaar loola macaamili jiray, taasoo ka dhigan in Mareykanku hadda ka dib uu arrimaha Soomaaliya uu kala hadlayo oo kaliya dowlada Soomaaliya. HOOS KA DAAWO VIDEO-GA KULANKA MADAXDA.

Iyadoo ka hadleysay magaalada Washington kadib markii ay la kulantay Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, Hillary Clinton waxa ay ku tilmaantay aqoonsiga Somalia maalin horumar weyn la gaaray.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO VIDEO-GA

Clinton waxay sheegtay in Mareykanku uu tixgelinayo madaxbanaannida Soomaaliya isla markaana uu sii wadi doono inuu si dhaw ula shaqeeyo dowladda Soomaaliya.
Hogaamiyaha Somalia Xasan Sheekh Max’uud, ayaa isna uga mahadceliyay Washington waxa uu ugu yeeray taageerada xooggan.

Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu sheegay in Soomaaliya ay galeyso weji cusub waxaana la sheegayaa sheegaya in aqoonsiga Washington ee dowladda Soomaaliya ay albaabka u furi doono taageero ballaaran oo beesha caalamka ay siiso Soomaaliya taasoo wax ka tareysa dib u dhiska iyo soo celinta amaanka.

Xafiiska warqabadka Somaliswiss America

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: