Al-Shabaab oo go’aan ku gaarey in ay Jimcaha soo socda qaarijiyaan muwaadinkii u dhashay France Dennis Allex.

Frame grab of French hostage Dennis Allex reading a statementUrurka Al-Qaacida, garabkiisa Soomaaliya ee Al-Shabaab ayaa shaaciyay in ay go’aan aan ka noqosho laheyn ku gaareen an ay toogtaan Dennis Allex oo ahaa sarkaal Faransiis ah oo ay heysteen ilaa iyo sanadkii 2009.

Bayaanka Mujaahidiinta ayaa intaasi ku daray in maamulka Faransiiska uu ku qamaaray noloshii Allex isla markaana ay muujineyso sida ay xukuumadda Farancois Holland aysan waxba uga soo qaadin dhiigga muwaadiniinta Faransiiska.

 Bayaanka ka soo baxay Xarakada Al-Shabaab oo lagu faafiyeyy bogaga Al-Qaacida iyo baraka Internetka lagu sheekeeyo ayaa lagu sheegay in aysan dowladdaa Faranssiisku daneyneyn nolosha ninkaasi, sidaasi darteedna ayisagoo nool dil toogasho ah ku xakumeen, waxeyna meesha ka saareen hadallo saraakiisha Faransiisku ay ku sheegeen in go’aanka weerarka fashilmay ay gaareen ka dib markii wadahadalkii ay la lahaayeen Al-Shabaab uu fashilmay, iyagoo xusay in xiriirkii u danbeeyay ee iyaga iyo Faransiiska uu ahaa hal todobaad ka hor weerarkii Buula Mareer, iyadoona Faransiisku uu waqtigaas dalbanayay fursad dheeraad ah in la siiyo, balse ay ka warqabeen xarakdu weerarkaasi, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Warar kale oo laga helay ilo ku dhow dhow Al-Shabaab ayaa sheegaya in Jimcaha soo socda 18-ka Janaury waqtiga salaadda subax ka dib la-toogan doono ninkaasi, inkastoo aysan jirin warar si rasmi ah u xaqiijin kara saxnimada waqtiga rasmiga ah ee ay doonayaan in ay dilaan muwaadinka reer France ee Dennis Allex.

SomaliSwiss Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: