Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere oo maanta shir jaraa’id uga hadlay weerarkii Fransiiska ee Buulo Mareer.

cali-dheere-1Cali Maxamuud Raage “Cali Dheere” ayaa wuxuu ka hadlay dagaaladii cuslaa ee laba habeen ka hor Ciidamada dalka Faransiiska ay kula galeen Deegaanka Buulo Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Afhayeenka Guud ee Ururka Al Shabaab Cali Maxamuud Raage “Cali Dheere”, oo gelinkii dambe ee maanta qabtay shir jaraa’id, ayaa wuxuu kaga warbixiyay weerakii uu Faransiiska uu ka geystay Somaliya iyo weliba midka uu xilligaan ka wado dalka Mali.

Afhayeenka ayaa wuxuu sheegay in Ciidamada Kumaandooska ee Faransiiska, ay weeraro baqdin badan ka geysteen sida uu sheegay Deegaanka Buulo Mareer, isagoo intaasi ku daray in weerarkaasi uu ahaa mid ay ku fashilmatay Dowladda Faransiiska.

Ciidamada Al Shabaab ayaa wuxuu sheegay inay iska caabin xoogan ugala hortaggeen Ciidamadii Kumaandooska ee Faransiiska, oo uu carab dhabay inay guul daro kala kulmeyn dagaaladaasi.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu wax guul leh uu ku tilmaamay in dagaaladaasi lagu jabiyo buu yiri Gaalada, Muslimiintana ay ku guuleystaan, isla-markaana wuxuu guusha ay gaareyn uu ku macneeyay mid ay ku heleyn Fadliga Alle.

Sheikh Cali Maxamuud Raage ayaa wuxuu tilmaamay inay dagaaladaan ka heleyn sida uu sheegay qaniibo badan, waxayna ka carareyn buu yiri hubkoodii.

“Runtii qaniibo badan ayaan weerarkaan ku helnay, waxay ka carareyn hubkoodii.” Ayuu yiri Cali Maxamuud Raage, oo Dowladda Faransiiska sheegay inay fashil kala kulantay, weerarkii ay ka fulisay Deegaanka Buula Mareer.

Wuxuu sheegay in Ciidamada Faransiiska ay weerarkaasi ku garab siinayeen sida uu hadalka u dhigay Dowladaha Maraykanka iyo Ingiriiska, taasina ay muujineyso buu yiri sida ay Gaalada isu baheysaneyso. 

Dadka Muslimiinta ayuu sheegay in looga baahan yahay inay isu baheystaan sida uu yiri Gaalada, bacdamaa uu ku eedeeyay inay isu kaashanayaan sidii ay Muslimiinta u wax yeeleyn lahaayeen.

Sidoo kale Sheekh Cali Dheere ayaa wuxuu booriyay Ciidamada Ururka Al Shabaab, guushii ay ka gaareyn weerarkii Ciidamada Kumaandooska ee Dowladda Faransiiska, ay ka geysteen Deegaanka Buulo Mareer.

Dhanka kale Afhayeenka Guud ee Ururka Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage “Sheekh Cali Dheere”, ayaa wuxuu ka hadlay weerarka Dowladda Faransiiska ay ku heyso Xoogaga Islaamiyiinta ah, ee ka dagaalamaaya dalka Mali.

Sheekh Cali Dheere ayaa wuxuu ugu baaqay Islaamiyiinta dalka Mali ee dagaalada kula jira Dowladda Mali iyo Faransiiska, inay u dul qaataan duqeymaha xoogan ee ay ku heyso Dowladda Faransiiska.

Si kastaba ha-ahaatee Cali Dheere ma soo hadal qaadin sida ay tahay xaalada Dennis Alex, oo ay Dowladda Faransiisku shaki badan ka muujineyso in uu nool yahay, inkastoo Al Shabaab ay Sabtidii shaacisay inuu weli nool yahay, balse ay go’aan ka qaadan doonto, sida ay ku sheegtay War Saxaafadeed ay soo saartay.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: