R/Wasaare Saacid oo Isbedel ku sameeyey qaar ka mid ah Wasaaradaha xukuumaddiisa.

Ansixin_baarlamaanka_RW_cusub_Saacid_4Wareegto ka soo baxday xafiiska ra’isal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa waxaa lagu sheegay in isbedel lagu sameeyey magacyada qaar ka mid ah wasaaraha xukuumada Soomaaliya, halka qaarkoodna, howlahoodii wax lagu daray ama laga jaray. HOOS FIIRI WAREEGTADA (ORIGINAL).

Wareegtada ayaa saameysay saddex ka mid ah wasaaraha dowlada oo kala ah, wasaarada arrimaha dibeda, wasaarada warfaafinta boostada isgaarsiinta iyo dalxiiska, iyo wasaarada howlaha guud.

Wasaarada arrimaha dibadda ayaa waxaa wareegtada lagu sheegay in maanta laga bilaabo magaceedu rasmiga ah uu yahay (Wasaarada arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga). HALKAAN RIIX DOKUMIINTIGA WAREEGTADA OO ASAL AH.

Sidoo kale Wasaaradda Warfaafinta boostada isgaarsiinta iyo dalxiiska ayaa loogu yeerayaa wixii hadda ka dambeeya (Wasaaradda Warfaafinta Isgaarsiinta iyo Gaadiidka) lama sheegin gaadiidka wasaaradan laagu daray nooca uu yahay.

Waaxyihii dalxiiska iyo duurjoogta ee ku lamaansanaa wasaarado ay ka mid tahay warfaafinta ayaa wareegtada waxaa lagu sheegay iney si KMG ah u hoostagayaan xafiiska Raisul wasaaraha.

Wasaaradda howlaha guud ayaana iyana ka mid ah wasaaradaha isbedelka lagu sameeyay, waxaa loogu yeerayaa (Wasaaradda Howlaha guud Dekedaha iyo Gaadiidka Badda).

Wareegtada ka soo baxday xafiiska raisul wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in Golaha wasiirada, Wasiir ku-xigeennada iyo wasiiru dowlayaasha aysan waxba iska bedelin.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: