Fowsiyo Xaaji: Waxaan soo arkay Hantideenii oo dayacan.

fowsiyo-safaaradaMarwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji, R/Wasaare xigeen ahna wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ayaa soo gaba gabeysay socdaal shaqo oo sedexdii cisho ee la soo dhaafay ku joogtay dalka Talyaaniga kadib markii ay casuumaad ramsi ah ka heshay dhigeeda dalka Talyaaniga Giulio Terzi.

Marwo Fowsiyo oo intii ay joogtay Talyaaniga  la kulantay Wasiirka arimaha dibada  ee Talyaaniga, iyo wasiirka cadaalada iyo garsoorka, iyada oo sidoo kale soo booqatay guriyhii iyo xarunta safaarada Soomaaliya ee magaalada Roma.

R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arimaha dibada ee Soomaaliya  Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo gabagabada  socdaalkeeda wareysi gaar ah siisay Warbaahinta Qaranka ayaa  sheegtay in ay soo aragtay afar ka mid ah  guryihii Soomaaliya ku laheyd  dalka Talyaaniga, sidoo kalana ay la kulantay jaaliyada Soomaaliyeed ee wadanka talyaaniga  oo ay ka dhageysatay darenkooda, isla markaana y gaarsiisay fariinta madaxda Qaranka.

’’Guryihii aanu laheyn waan soo arkay afar ka mid ah waxaa iiga muuqday dayac xoog leh iyo dhibaato soo gaartay, hadana waxaan ku jirnaa sidii dib loogu soo hagaajin lahaa’’ ayey tiri Marwo Fowsiyo oo intasi raacisay inta badan guryihii Soomaaliya  ugu yiilay dunida ay dayacan yihiin ayna sabab u tahay dhowr iyo labaatanka sano ee dowlad la’aanta ah.

’’ waxaan xaqiiqsaday oo indhaheyga ku arkay in guryaheena jajaban yihiin, waxaan sidoo kale xaqiiqsaday in Safiirka  mas’uul ka yahay hantida qaranka uuna badbaadinaayo, isla markaana ilaalinayo danta qaranka iyo howsha uu u xilsaaran yahayna waan soo arkay’’ ayey tiri R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka arimaha dibada ee Soomaaliya Marwo Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan.

R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka arimaha dibadda ee Soomaaliya marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sidoo kale   ka hadashay kulankii ay la yeelatay Wasiirada cadaalada ee dalkan Talyaaniga iyada oo kala hadashay sidii loo sii deyn lahaa dad Soomaaliyeed oo ku xerxeran xabsiyada dalkan talyaaniga iyo  arimaha garsoorka iyo sida talyaaniga uu kaalintii uu horay ugu lahaa arimaha cadaalada u soo celiyo  maadaama Talyaaniga uu horay uga caawin jiray  soomaaliya dhinaca   cadaalada.

SomaliSwiss Rome.

SomaliSwiss@hotmail.com

 

%d bloggers like this: