Dowlada Turkiga oo dayactireysa Jaamacadii Ummadda ee magaalada Muqdisho.

Maryam-QasimWasiirka Arimaha Bulshada Drs. Maryan Qaasim ayaa maanta dib ugu soo laabatay magaalada Muqdisho, kadib safaro ay kusoo martay wadamada Turkiga iyo Tunisiya oo ay kala soo hadashay arimo ku saabsan horumarinta bulshada Soomaaliyeed. (SAWIRO)

Wasiirada oo warbixin siisay warbaahinta markii ay kasoo dagtay garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in ay lasoo kulantay madaxda labadaasi Wadan, isla markaana kala soo hadashay sidii ay u caawin lahaayeen shacabka Soomaaliyeed oo hada kasoo kabanaya dagaalo dhowr iyo labaatan sanno socday.

Wasiiradu waxay sheegtay in ay la kulantay Ra’isal Wasaare ku xigeenka Turkiga, isla markaana kala hadashay arimaha waxbarashada iyo caafimaadka, waxayna u bandhigtay dowladda Turkigu in ay dayactir iyo dib-u-dhis u baahan yihiin Isbitaalada magaalooyinka Baydhabo, Kismaayo iyo Baladweyne.

Waxaa ay sidoo kale ka codsatay in dowladda Turkiga ay dib-u-dhis ku sameyso Jaamacadii Umadda ee (Gaheyr) oo hada ay dagan yihiin ciidamada Burundi ee AMISOM.

Sidoo kale Wasiiradu waxay ka codsatay dowladda Turkiga ay daawo uga soo qaadaan dalkooda Soomaali badan oo cuduradooda wax looga qaban waayay gudaha dalka Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa balan qaaday in ay fulin doonaan dalabaadka dowladda Soomaaliya, ayna si deg deg ah ugu soo diri doonto Soomaaliya, isla markaana gudiyo soo kormeera usoo diri doonto goobaha aan kor kusoo sheegnay.

Dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa ilaa hada u muuqata mid wax ka qabaneysa baahida dadweynaha, inkastoo aysan wali laheyn awood buuxda oo ay ku maamusho dalka oo dhan.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: