Advertisements

Danjire Cali Ameeriko oo Soomaalida Islii ee Nairobi uga digay in ay Lacag Laaluush ah siiyaan ciidamada Booliska.

ambasador ali amerika 1Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya Danjire Maxamed Cali Ameerika ayaa ugu baaqay Soomaalida ku dhaqan dalka Kenya, gaar ahaan xaafadda Islii ee Nairobi in ay aad uga digtoonaadaan laaluush bixin.

Amerika ayaa sheegay in aysan jirin sabab iyo sharci Laaluush loo siiyo ciidamada nabad gelyada, isagopo xusay in aysan soo kordhineyn wax aan dhibaato ka ahayn.

Safiir ameeriko ayaa xusay inuu kulamo la yeelashtay Dowlada Kenya, isla markaana aysan jirin caburin iyo Tarxiil Xoog ah oo dadka Soomaaliyeed lagu Celinayo.

Wuxuu xusay in hadda dalka Soomaaliya guud ahaan ay nabad gelyadu soo wanaagsanaaneyso, isla markaana ay jiraan dad badan oo iyagu iskood dalkii ugu laabanaya, isagoo xusay in aysan cabsi weyni ka jirin Soomaaliya, balse aan qasab loogu celineyn ciddii aan u diyaarsaneyn in ay iyadu noqoto.

“Ma jirto hadal ka soo baxay Dowlada Kenya oo ku aadan in Somalida dalka ka baxdo, Wasaarada arimaha dibada Kenya waan la kulanay wayna beenisay arintaas, waa war Suuqeed ayaan leeyahay”ayuu yiri Cali Amerika.

SomaliSwiss Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: